Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa Shalay oo ay taariikhdu tahay 7-5-2015 magaalada Kismaayo ee xarunta Dawladda Jubbaland kaga qeyb-galay xafladd balaaran oo lagu caleemasaarayay Baarlamaanka iyo gudoonka cusub ee Jubbaland.

Xafladda ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud , Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Aamino Maxamed, Wasiirka arrimaha dibada Ethiopia Mr. Tedros , wasiiro iyo xildhibaan katirsan Puntland , wufuud ka socotay beesha caalamka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey madasha , waxaana uu u hambalyeeyey mudanayaasha cusub ee baarlamaanka Dawladda Jubbaland.

” Waxaan hambalyo iyo salaan idiinka wadaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Gudoomiyaha Baaralamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Saddexda Gole ee dawladda iyo guud ahaan Shacabka reer Puntland” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Camey.

Madaxweyne Camey ayaa sidookale sheegay in Puntland mar walba ay Jubbaland iyo maamul goboleedyada kale ee sida sharciga ah lagu dhiso taageerayso, islamar ahaantaana la garab istaagayso hiil iyo hoo.

Dhammaan madaxdii ka hadashay xafladda ayaa Puntland ku amaanay dadaaalka ay ugashay dhismaha Dawladd Goboleedka Jubbaland, waxaana ay qireen in Puntland ay tahay halka lagu unkay dawladda rasmiga ah ee hada kajirta Soomaaliya, taasi oo uu hogaamiyo Madaxweyne Xassan Shiikh.

Daawo Sawirro:

IMG_1447 IMG_1453 IMG_1456 IMG_1463 IMG_1484 IMG_1506 IMG_1509 IMG_1513 IMG_1517 IMG_1519 IMG_1520 IMG_1521 IMG_1523 IMG_1533 IMG_1536 IMG_1542 IMG_1544 IMG_1547 IMG_1550 IMG_1554 IMG_1556 IMG_1563 IMG_1564 IMG_1565 IMG_1566 IMG_1569 IMG_1571 IMG_1573 IMG_1574 IMG_1575 IMG_1577 IMG_1580 IMG_1582 IMG_1583 IMG_1585 IMG_1586 IMG_1587 IMG_1588 IMG_1590 IMG_1591 IMG_1593 IMG_1595 IMG_1597 IMG_1600 IMG_1602 IMG_1605 IMG_1608 IMG_1610 IMG_1614 IMG_1616 IMG_1619 IMG_1620 IMG_1634 IMG_1645 IMG_1652 IMG_1653 IMG_1655 IMG_1657 IMG_1658 IMG_1662 IMG_1664 IMG_1668 IMG_1669 IMG_1672 IMG_1678 IMG_1679 IMG_1684 IMG_1686 IMG_1692 IMG_1693 IMG_1697 IMG_1698 IMG_1704 IMG_1709 IMG_1714