Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubba.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu mooshin ka yaalo dhismaha Baarlamaanka Jubba oo dhaliilo badan laga keenay qaabkii loo xulay.

Waxaanna Reysulwasaaraha Ku Soo Dhaweeyay Garoonka Kismaayo, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Ku Xigenkiisa Farataag iyo Xumno ka Tirsan Golaayasha Wasiiradda iyo Xildhibaannadda.

Warar soo baxaya ayaa shegaya in booqashada Ra’iisul Wasaaraha ay salka ku heyso sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa arrinta Baarlamaanka Jubbaland, kadib markii Golaha Wasiirada shirkoodii khamiistii looga dalbaday Baarlamaanka inuu hakiyo mooshinka muddo labo todobaad ah.

Sida Ay Sheegayaan Wararka Na Soo Gaaraya Wafdiga Reysulwasaaraha Ayaa Kulamo la Qaadan Doonna Caawa ilaa Barri Si Ay Oga Wada Hadlaan Xaaladaha Taagan.

DAAWO SAWIRADDA:

IMG_1408-480x320 IMG_1558-480x320 IMG_1556-480x320 IMG_1539-480x320 IMG_1503-480x320 IMG_1496-480x320 IMG_1488-480x320 IMG_1467-480x320 IMG_1446-480x320 IMG_1445-480x320 IMG_1439-480x320 IMG_1433-480x320 IMG_1427-480x320 IMG_1413-480x320 IMG_1412-480x320 IMG_1408-480x320 IMG_1446-480x320 IMG_1445-480x320 IMG_1439-480x320 IMG_1433-480x320 IMG_1427-480x320 IMG_1413-480x320 IMG_1412-480x320