Aas qaran ayaa maanta loogu sameeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug madaxweynihii hore ee dawlada KMG Soomaaliya ahaana aasaasihii maamul goboleedka Puntland Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed oo 23-kii bishan ku geeriyoodey magaalada Dubai ee dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Aaska oo ahaa mid si heer qaran ah loo soo agaasimay waxaa ka soo qayb galey madax ka socotey dawlada KMG Soomaaliya, Puntland, Galmudug, Ahlu sunna, siyaasiyiin, Issimo, waxgarad & culima’udiin.

DAAWO SAWIRADA

SBC News Desk