Banaan bax loogaga soo horjeedo Maamulka lagu dhisayo Cadaado iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug.

Banaan baxan waxaa isu soo baxay shacab weyne aad u farabadan, iyadoo ay kala qeyb galeen maamulka Degmada iyo kan gobolka Mudug .

Dadweynaha ayaa soo bandhigay boorar waaweyn oo ay ku xardhan yihiin sawirrada Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xog hayaha qaramada Midoobay Somalia , islamarkaana ay ku dul sawireen calaamad guduudan oo isku talaab ah.

Waxay oogada kaga qoreen boorarkaas far soomaali u dhigneyd cambaareyn iyo dhaliil loo dirayo madaxdaas.

Masuuliyiintii ka qeyb galay banaanbaxaas oo shacabka la hadlay ayaa iyaga dhankooda ku waafaqay shacabka banaanbaxa ay kaga soo horjeedaan arrintan, iyagoo sido kale cambaareeyay .

Daawo Sawirada

?????????????

?????????????

?????????????

gaalka4

?????????????