Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta kormeer ku tagey xarumo dhowr ah oo leeyihiin Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyed, waxana uu halkaas kula hadlay  Ciidankii joogay, iyadoo uu kormeerka ku weheliyey Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka S/G Daahir Aaden Cilmi iyo xubno ka socday madaxtooyada dalka.

Wasiirka ayaa booqday xarunta tababarka Ciidanka ee Jazeera halkaas oo dhoolatus millatari ay ka wadeen ciidamadda Xoogga, waxana uu   ku amaanay qaabka ay tababarka u qaadanayaan, isagoo kula dar daarmay ciidanka ka tirsan kumaandooska Qaranka in awoodooda ay ku difaacaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.Sidoo kale, Wasiirka ayaa tababar u furay boqol askari oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gen. Cabdiqaadir sheekh Cali Diini ayaa u sheegay ciidanka kumaandooska ee maanta dhoolatuska sameeyay iyo kuwa uu tababarka u furay intaba inay ilaaliyaan sumcadda iyo sharafta ay ku dhex leeyihin dalkooda iyo dadkooda , isagoo uga digay isticmaalka mukhaadaraadka oo uu qaadka ugu horeeyo.

“Waxaad na tusteen muhiimadda iyo sharafta ciidanku leeyahay, bulshada Soomaaliyeed waxay sugayaan wa idinka iyo dadka idin lamid ka ah, duruusta aad barateen waxaa la doonayaa inaad uga faaiideysaan ummada Soomaaliyeed si dalka looga xoreeyo cadowga kusoo duulay”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo intaas ku daray.

“Waxaan xoojin doonaa tayada iyo tababarka Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya, si cadowga looga guuleysto, hadda waxaa dhisme ku socdaa xarumo badan oo leeyihiin ciidanka Xoogga si loo gaaro hadafka fog iyo mid dhexe ee lagu doonayo horumarinta qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan dhismaha ciidanka oo muhim u ah soo kabashada dalkeena”.

Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa booqday Xarunta Akeedeemiyada Saraakiisha oo dhismaheedu ka soconayo deegaanka Jazeera, waxana uu halkaas warbixin uga dhigeystay masuuliyiinta gacanta ku haya dhismaha xerada.

—-DHAMMAAD—-

DAAWO SAWIRADA:

11720693_1469564196674498_268781187_n 11749792_1469563323341252_1030938880_n 11751166_1469564006674517_974615654_n 11753822_1469564016674516_962255047_n 11758796_1469563680007883_885200074_n 11758873_1469563213341263_1779814531_n 11758959_1469563763341208_2050704200_n