Waxaa lasoo gabagebeeyay Wejigii Koowaad howlgalkii lagu badbaadinayay qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yeman, iyadoo loo diyaar garoobayo wejiga
labaad ee badbaadinta dadlaas.
 
Kulan ay ku yeesheen magaaladda Boosaaso labada Gudi ee badbaadinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ay horkacayaan Culimada Soomaaliyeed iyo Puntland ayaa lagu shaaciyey arrimahan.
Guddiga ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan yabooha dhaqaale uruurinta
maadaama howlgalka nafbadbaadinta ah ee qaxootiga Soomaaliyeed loogu gurmanaayo uu sii socon doono, isla markaana loo baahan yahay in loo sii diyaar garoobo maadaama howlgalka wejigiisa Koowaad ay ku baxday inta badan lacagtii dadka Soomaaliyeed ay yabooheen.
 
Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo ah guddoomiyaha gurmadka qaxootiga Qaranka 
ayaa ku ammaanay dawladda iyo shacabka Puntland doorka muuqda ee wax u
qabashada dadkan walaalahooda ah ee u baahan garab istaaga, waxaa kaloo uu
xusay in wadashaqayn dhinacyo badan ay kala dhaxayso guddiga gurmadka  qaxootiga ee Puntland.
 
Shiikh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ku wareejiyey Guddiga Taakuleynta qaxootiga 
Yemen lacag dhan Lixdan iyo Sagaal Kun iyo Laba Boqol oo Dollar oo loogu talagalay in lagu anba bxiyo dadkii ugu danbeeyay ee Yeman laga soo badbaadiyay.
 
Guddoomiyaha Guddiga Taakuleynta qaxootiga Yemen Shiikh Axmed Daad ayaa ka mahadceliyey lacagta loogu talagalay dadkan walaalaha Soomaaliyeed ah ee u soo gaarsiiyey Sheekh Baaruud una duceeyey dadkii ku tabarucay.
 
Dhanka kale labada Guddiga ee u istaagay badbaadinta iyo wax u qabashada dadkan ayaa si rasmi ah loo mataaneeyey isla markaana si wadajir ah u wada qaban doonaan hawsha Gurmadka.
DAAWO SAWIRO:
640x427xIMG_0413.jpg.pagespeed.ic.cbwIrKAB2R 640x427xIMG_0415.jpg.pagespeed.ic.DnkwnE6UDO 640x427xIMG_0416.jpg.pagespeed.ic.J_UaXELVnd 640x427xIMG_0417.jpg.pagespeed.ic.IS2UafdIP4 640x427xIMG_0418.jpg.pagespeed.ic.1YxL1W72NN 640x427xIMG_0425.jpg.pagespeed.ic.2plk3eaFx- 640x427xIMG_0426.jpg.pagespeed.ic.XlWGczT_Vo 640x427xIMG_0433.jpg.pagespeed.ic.arpL3_XAsJ 640x427xIMG_0441.jpg.pagespeed.ic.5uwvjEpp35 640x427xIMG_0446.jpg.pagespeed.ic.tCDfy05Z_e