Waxa maanta si diiran magalada bosaso logu soo dhaweyay 1-August ee Magaaladda garowe oo ka mid ahayd 24-ki xafadood ee ku tarta tamayay barnamijka kediska Ramadaanka Warbahinta SBC ayna gabagabadii u so baxeen 1-August garowe iyo Xafada ex-Ridwaan ee degmada Bosaso.

Soo dhawayntan balaran ee xarunta dhaqalaha puntland logu samay nayay Xaafadda 1-August Ee Garowe ayaa ahayd mid ay isugu soo baxen shacabka ku dhaqan xafada 26-ka jun bosaso, waxgarad,  mamulka Gobolka Bari kan degmada bosaso iyo howl wadenada warbahinta Somaliyeed Ee SBC.

Dhalin ku libisan Calanka somaliya kan Puntland lagana luxayay calaemo qoyan iyo gadiid fara badan ayaa Kaga  hor tagay afka hore ee Laga soo Gallo magalada Boosaso Oo Sanadkan iyada lagu qabanayo Finaalka Tartankaasi.

Agasimaha Warbaahinta SBC Maxamed Deeq Cabdalla oo goobta soo dhawaynta ku sugnaa ayaa si wanagsan ugu soo dhaweyay magalada bosaso Xaafadda 1-August.

Duqa degmada Bosaso Maxamed siciid shabelle ayaa degmada u madaxda ka yahay gacmo furan ugu soo dhaweyay Xaafadaan ka socotay magaaladda Garowe ee Caasimadda Puntland.

Ugu Danbeynna Shikh libaan mashruuc  Oo Ah gudomiyaha kediska Ramadaanka SBC iyo Shiikh Ciisse siciid Oo Ah gudomiye ku xigeenka Kadiska SBC Ayaa Si lamid Ah Sidii Hore Soo Dhaweeyay Xaafaddaasi.

Malinta Barita ah ayaa waxa tartanka Gabo Gabo Ah Ama fiinaal Ah Uu dhex mari donaa xafadaha 26-ka jun Oo Ka Tirsan Bosaso iyo xafada manta marti soorka lo sameyay ee 1-August garowe waxanna si Toos Ah Looga Baahin Doonna Qeybaha Kala Duwan Ee Warbaahinta SBC Kuwaas Oo Kala Ah idaacadda Iyo Tv-ga Muuqaalka Ah Ee La iska Arko.

Daawo Sawiradda:

DSC08213 DSC08214 DSC08215 DSC08216 DSC08217 DSC08219 DSC08220 DSC08221 DSC08222 DSC08230 DSC08231 DSC08233 DSC08235 DSC08236 DSC08237 DSC08238 DSC08242 DSC08243 DSC08244 DSC08259 DSC08260 DSC08262 DSC08264 DSC08266 DSC08267 DSC08268 DSC08270 DSC08275 DSC08280 DSC08283 DSC08287 DSC08292 DSC08296 DSC08299 DSC08303 DSC08304 DSC08310 DSC08314 DSC08315 DSC08316 DSC08317 DSC08319 DSC08322 DSC08323 DSC08326