Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose, waxaa lagu soo dhaweeyay Maanta xubno siyaasiyiin ah, kuwaasi oo horay uga soo horjeeday maamulka Jubbaland.

Siyaasiyiintaan oo ay ka mid yihiin Maxamuud Sayid Aadan iyo Aw-libaax ayaa magaalada Kismaayo waxaa kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo xubno kale oo maamulkaasi ka mid ah.

Siyaasiyiintaan ayaa markii hore aragti ahaan kasoo horjeeday Jubbaland, hase ahaatee waxaa heshiis lagu gaaray degmada Doolow ee gobalka Gedo, inkastoo heshiiskaasi Hadallo Kale ay ka Daba Yimaadeen.

Wada hadal ka dib ayaa lagu qanciyay inay tagaan magaalada Kismaayo, waxaana ay la kulmi doonaan madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Jeneraal Fartaag oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaanshiyaha xubnahaan, isaga oo tilmaamay in midaasi ay muujinayso guul ay gaartay Jubbaland.

Kol Hore ayeey Aheyd Markii Dagmadda Doolow Somaliya Lagu Gaaray Heshiis Ay Wada Galeen Xumno Ay kamid ahaayeen siyaasiyiintaan iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Daawo Sawirada:

Sayid7 Sayid12 Sayid21 Sayid31 Sayid41 Sayid51 Sayid61 K3-1024x687 K7-1024x687