Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13-6-2015 xafiiskiisa madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wei Hongtian (Warsame)

Kullan gaar ah oo Madaxweyne Gaas iyo Wei Hongtian wada qaateen ayaa waxaa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya Dawladdaha Puntland iyo shiinaha, derder-gelinta mashaariicda horumarineed ee dawladda shiinaha kawado Soomaaliya iyo arrimo kale oo la xiriira horumarka dalka.

Shirka ayaa markii uu soo idaaladay waxaa si wadajir ah Warbaahinta qeybaheeda kala duwan ula hadalay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas iyo Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wei Hongtian.

‘’ Waxaa maanta sharaf weyn noo ah in caasimadda Puntland ee Garoowe ku soo dhaweyno Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wei, waxaana uu safiirku noogu yimi socdaalkii ugu horeeyey oo uu xamar banaankeeda kaga baxo ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’ Waxaanu kawada hadalnay xiriirka Shiinuhu la leeyahay guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana Puntland iyo kambaniyada shiinaha u dhashay ee Puntland kawada mashaariicda oo ay ugu weyntahay garoonka diyaaradaha Boosaaso ‘’ Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.

Safiirka shiinaha ufadhdiya dalka Soomaaliya Mr. Wei Hongtian ayaa isna dhankiisa Puntland ku amaanay horumarka iyo amniga kajira , isagoona dhammaan maalgaliyaasha u dhashay dalka Shiinaha ugu baaqay in Puntland ay ka samaystaan maalgashi caalami ah maadama ay mudan tahay.

‘’ Shacabka labada dal shiinaha iyo Soomaaliya waa walaalo ay ka dhaxayso iskaashi wanaagsan, waana sii wadaynaa mashaariicda balaaran ee aanu kawadno guud ahaan Soomaaliya ‘’ Ayuu yiriSafiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wei Hongtian (Warsame).

Waa markii ugu horaysay oo safiirka shiinaha ujooga Soomaaliya booqasho ku yimaado Puntland, taasna waxaa sababtay siyaasadda furfuran ee Madaxweyne Gaas ku hogaaminayo Puntland  oo marba marka ka dambaysa ku talaabsanaysa horumar baaxadleh.

Daawo Sawirada Kulankaasi:

IMG_8669 IMG_8681 IMG_8687 IMG_8690 IMG_8691 IMG_8693 IMG_8694 IMG_8697 IMG_8698 IMG_8826 IMG_8848 IMG_8855 IMG_8859 IMG_8865 IMG_8869 IMG_8870

Dhinaca Kale Madaxweyne Gaas ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Raisedon Zerenga.

Soo dhaweyn loogu sameeyay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe ayaa waxaa ka qeyb qaatay qaar kamid ah Golaha Wasiirada Dawladda Puntland,Saraakil katirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, maamulka degmada Garoowe iyo masuuliyiin kale.

Intaas kadib ayaa ku xigeenka Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Raisedon Zerenga iyo Martidii la socotay waxaa loo gudbiyay aqalka Madaxtooyada Dawladda Puntland oo ay kullan gaar ah kula qaateen Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Gaas.

‘’Waxaa sharaf weyn noo ah in maanta aanu halkaan ku soo dhaweyno ku xigeenka Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Raisedon Zerenga oo maanta nagu soo booqday Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawladda Puntland  ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas .

‘’ Waxaana uu noogu yimi inaanu kawada hadalano xiriirka Qaramada Miboobay iyo Puntland , mashaariicda horumarineed ee ka socda gudaha Puntland, nabad-gelyada iyo taageerada qaramada mibaay siiso Soomaaliya ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Raisedon Zerenga  ayaa isna dhankiisa Madaxeynaha uga mahadceliyey soo dhawaynta uu u sameeyey, waxaana uu ku amaanay dadaalka horumarineed ee uu madaxweyne Gaas kawada gudaha Puntland iyo guulaha waaweyn ee uu gaaray mudadii uu hogaanka hayey.

Horumarka balaaran ee laga gaaray kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo dhanka amaanka Puntland ayuu bogaadiyey Mr. Raisedon Zerenga oo booqashadiisi ugu horaysay maanta ku yimi gudaha Puntland gaar ahaan Caasimadda Dawladda Puntland ee Garoowe.

Daawo sawiradda:

IMG_8714 IMG_8715 IMG_8717 IMG_8718 IMG_8719 IMG_8725 IMG_8742 IMG_8743 IMG_8751 IMG_8787 IMG_8799