Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday Marwo Xaawo Aadan Maxamed Camey  iyo sidookale caruurtii iyo xaasaskii uu ka dhintay Marxuum Xildhibaan Siciid Nuur Dirir.

Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa hoygeeda ku booqday Marwo Xaawo Aadan Maxamed Camey oo kaalin weyn ka qaadatay Nabad-gelyada, Horumarinta Waxbarashada iyo daryeelida dadka danyarta ah ee Gobalka Mudug.

Marwo Xaawo Aadan Maxamed Camey oo kaalin wanaagsan kaga jirta bulshada Puntland ayuu madaxweynuhu  ku bogaadiyey howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayso, isagoona alle uga baryey in uu u fududeeyo.

Intaas ka dib ayaa Madaxweyne Gaas waxaa uu gurigooda ku booqday Caruurti iyo Xaasaskii uu ka dhintay Rabbi ha unaxariiste Marxuum Xildhibaan Siciid Nuur Dirir oo kamid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Puntland , gacan ka xaqdarana ay ku dishay magaalada Gaalkacyo.

Qoyska marxuumka ayaa Alle uga baryey in samir iyo iimaan buuxa uu ka siiyo marxuumka .

Daawo sawirada:

IMG_8395 IMG_8396 IMG_8402 IMG_8420 IMG_8439 IMG_8447 IMG_8471 IMG_8499 IMG_8504 IMG_8506 IMG_8514 IMG_8518 IMG_8520 IMG_8522 IMG_8534 IMG_8537