Koox ka mid ah kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa shaaciyay muuqaalo ay ka qaadeen muwaadiniin ajaanib ah oo ay gacanta ku hayaan

Dadkan oo isugu jira Muwaadiniin u kaladhashay Wadamada Denmark iyo Fipin ayaa Burcadu waxay ku heystaan goob miyi ah oo ka mid ah dalka Soomaaliya, waxaana ay tiradoodu tahay 6Qof.

waxay ka mid ahaayeen 6dan qof Shaqaalaha Markab ku gooshayay Calanka Wadanka Denmark, kaas oo ay qafaasheen Bilowgii sanadkan.

Koox wariyeyaal ah oo booqday halka ay laheystayaashaasi ku afduubanyihiin ayaa ka soo qaaday sawiro, waxaana ka muuqada Sawirada Kooxda Burcad badeeda ah oo ay afka u duubanyihiin iyagoona ilaalo xoogleh ka haya 6da Qof ee ay Heystaan.

Hadaba Daawo Sawirada

Liibaan Qaran
SBC International Gaalkacyo