Jaaaliyada Soomaaliyeed ee dalka  Cumaan  ayaa soogaarsiisay Culumada iyo Guddiga gurmadka Qoxootiga Yamen deeq lacageed oo dhan 35.000 oo dollar  taasi oo ay uga qaybqaadana yaan gurmada loosamayaanaayo qaxootiga ka sooqaxay dagaalka ka socda dalka Yamen

Munaasabada lagu wareejinaayay deeqdan lacageed oo lagu qabatay  xafiiska Mu’asasada Alminhaaj ee Bosaso ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxda Mu’ssadda Al-minhaaj , Gudiga gurmadka  qaxootiga Yamen iyo qaar kamid ah culumada  soomaaliyeed  iyo wakiilka Jaaaliyada Cumaan ee deeqdan  Ismaaciil Cabdi salaan  Warsame

Ismaaciil Cabdi salaan  Warsame oo ahaa wakiilka Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan usoowakiiltaya deeqdan  oo ugu horeen munaasabada ka hadalay   ayaa sheegay in deeqdan ay usoowakiisheen Jaaaliyada Soomaaliyeed ee dalka  Cumaan  ugana talagaleen in ay ugu qayb qaataan taakulada iyo Gurmadka loosamaynaayo shacabka soomaaliyee ee ka sooqaxay dagaalka ka socda dalak Yamen

Sheikh Daahir ow -cabdi oo kamid ahaa culumadii ka qaybgashay xaflada ayaa Eebe uga baryay muxsiniintii Soomaaliyeed ee  u deeqaday lacagtan in uu ka ajirsiiyo ,badal ka qayrbadan ugu badalo Aduun iyo  Aakhiroba

Sheikh Daahir ow –cabdi ayaa markale ugu baaqay bulshada soomaliye  in ay ka qayb qaataan gurmadka loosamaynaayo shacabka soomaaliyeed ee ka sooqaxay dagaalka ka socda dalka yaman ee soogaaraayo Bosaso ku waasi oo ubaahan gacan walaal tinimo

‘’ Waxaan ugu baaqayaa qofkasto  oo soomaali ah ,oo dadkaa u dub naxaya ,oo ilaahay uga baqaya ,oo jeebkiisa wax ku jiraan  in uu  ka qayb qaato gurmadkaasi loosamaynaayo walaalahooda ka sooqaxaaya dalka yamen ’’ Ayuu  yiri Sheikh Daahir

Gudoomiyaha Gurmadka Qaxootiga Yamen Shekh Axmed Yuusuf Daad ayaa munaasabada ka sheegay in ay lawareegeen 35,000 oo daalar  taasi oo ay soogaarsiiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan, waxaana uu xusay in aysan ahayn markii ugu  horaysay ee deeq noocaan ah ay jaaliyada soogaarsiiso

Shekh Axmed Yuusuf Daad Gudoomiyaha Gurmadka Qaxootiga Yamen oo hadalkiisa siiwata ayaa ugu baaqay dowlada soomaliya in ay uga qayb qaataan lacagaha farahabadan ee lagu bixinaayo mooshinada gurmadka loosamaynaayo shacabka soomaaliyeed ee ka soo qaxaya dagaalka ka socda  Yamen

‘’ Waxaan baaq udiraayaa madaxda Dowlada Soomali , waxaan leeyahay waa shacankii  bari aad wax kunoqon lahaydeen , waa shacankii  aad ku tartamayseen ,mooshinada tiradabadan lacagaha aad ku bixinaysaan  waxaa uga xaqnimabadan  in lagu badbaadsho shacabka ee gaajaysan ‘’

Deeqadan ay soogaarsiiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan Culumada iyo Guddiga gurmadka Qoxootiga Yamen  ayaa timid xili maalintii shalay ay  Bosaso soogaareen dad kor udhaafaayo 1670  qof oo qaxooti ah  ku waasi oo ka soocaray dagaalka ka socda dalka Yamen ,una baahan gar gaar dag dag ah,

Dhageyso Warbixin:

Daawo sawiradda:

IMG_8194 IMG_8196 IMG_8208 IMG_8229 IMG_8230 IMG_8231 IMG_8232 IMG_8233 IMG_8234 IMG_8235 IMG_8236 IMG_8237 IMG_8238 IMG_8241 IMG_8243 IMG_8244 IMG_8245 IMG_8246 IMG_8247 IMG_8248 IMG_8252 IMG_8253 IMG_8254 IMG_8255 IMG_8256 IMG_8257 IMG_8258 IMG_8260 IMG_8263 IMG_8265 IMG_8268 IMG_8270 IMG_8276 IMG_8277 IMG_8279 IMG_8280