Munaasabad lagu maamuusayay gabgabada tartan aqooneedka kediska xaafadaha Puntland kaas oo soconayay intii lagu gudajiray bishii barakaysnayd ee Ramadaan ayna si wadajir ah u wadeen shirkadda isgaarsiinta Golis Mu’asada Minhaad & Madbacada Horyaal  iyo warbaahinta SBC ayaa lagu qabtay hotelka Jubba ee magaalada Boosaaso.

Masuuliyiin kala duwan ayaa ka qayb galay xafladda kuwaas oo ay kamid ahaayeen gudoomiyaha gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), duqa magaalada Boosaaso Maxamed Siciid Shabeele, wasiirka xanaanada xoolaha Puntland C/Jamaal Cismaan Maxamed, mulkiiilaha warbaahinta SBC Cali Cabdi Awaare iyo Xubno ka socda Madaxda shirkadaha iyo Qeybaha Maalgelinaayay Kediska SBC

Tartankan oo ay ka qayb galeen 24 xaafadood oo kamid ah xaafadaha magaalooyinka iyo dagmooyinka Puntland ayaa waxaa wareeggii kama dambaysta isugu soo haray xaafadaha 26ka Juun oo ku taal magaalada Boosaaso iyo xaafada 1da August oo ku taal magaalo madaxda Puntland ee Garowe kuwaas oo maanta lagu tartansiiyay goobta xafladdu ka dhacaysay.

Gunaanadkii tartanka labada xaafadood oo la waydiiyay min 5 su’aalood ayaa waxaa gudigii garsoorka tartanka ay ku dhawaaqeen natiijada kasoo baxday oo noqotay in xaafada 1da August ee magaalada Garowe ay guushu raacdo islamarkaana ay sidaasi ugu guulaysatay koobkii kediska xaafadaha Puntland sanadka 2015ka waxana koobka kaalinta labaad ku guulaysatay xaafadda 26a juun iyagoo la kala gudoonsiiyay bilado iyo abaalmarin lacageed oo ay ku mutaysteen kaalmahan dahabiga ah ay soo gaareen. Kadib markii la guda galay khudbadaha masuuliyiinta ayaa mulkiilaha Televisionka iyo idaacadda SBC Cali Cabdi Awaare uu u mahadceliyay cid walba oo gacan ka gaysatay qabsoomida tartankan Si Gaar ah Shirkada Golis , Mu’asada Minhaj ee Dacwada iyo Horumarinta iyo Sidoo kale Madbacadda Horyaal kuwaas oo uu dhamaantood ku amaanay doorkooda ay barnaamijkan ka qaateen.

Hogaanka xiriirka dadwaynaha shirkadda isgaarsiinta Golis Faarax Xaaji Mire ayaa dhankiisa u hambalyeeyay labada xaafadood ee isugu yimi wareegga kama dambaysta ah oo uu xusay inay labaduba guulaysteen isagoo intaas kadibna iftiimiyay sida ay Golis mar walba ugu heelantahay bushadeeda inay kala qayb qaadato wax walba oo qayb ka qaadan kara wanaageeda iyo horumarkeedaba.

Sheekh Cismaan Xaaji Dirir oo ku hadlay Magaca Mu’asasada Minhaaj ayaa siweyn ugu mahadceliyay Warbaahinta SBC tebintii kediska o ay qeyb ka ahaayeen Maaligelintiisa isaga oo xusay in Minhaaj u taagan tahay ka qeybqaadashada barnaamij walba oo bulshada loogu gurmanayo, waxaana geesta kale u ku aamaanay sida SBC ay ugu xiran tahay dhamaanba barnaamijyada wax ku oolka ah ee  bulshada waxtarka u leh .

Gudoomiyaha gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) iyo duqa magaalada Boosaaso Maxamed Siciid Shabeele oo kalado ka jeediyay munaasabada ayaa labaduba u mahadceliyay warbaahinta SBC iyo shirkadda Golis sida wanaaagsan ee ay barnaamijkan usoo wadeen sanadaha faraha badan.

Intii ay munaasbadu socotay shirkada Golis waxay marti sharaftii madasha joogtay kaga farxisay hadiyado lagu helayay bakhtiyaanasiib loo soo bandhigay iyadoo qof walba oo maanta xaflada ka qayb galay uusan bixin isagoon helin hadiyad kamid ah hadiyadii ay shiraddu u hibaysay marti sharafta oo ay ugu yarad 2$ oo ah daqiiqado hadal ah.

Ugu dambayn waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyay dadkii doorka fiican ka qaatay hab u socodka tartanka oo ay kamid ahaayeen guddigi garsoorka, shaqaalaha idaacadda iyo TV-ga SBC iyo shahaadooyin ay is waydaarsanayeen maalgaliyayaasha barnaamijka iyo warbaahinta SBC.

Tartan aqooneedka Kediska bisha Ramadaan ee lagu tartansiiyo xaafadaha Puntland ayaa sanad walba ay qabataa warbaahinta SBC waxana maalgalintiisa qayb libaax ka qaadata shirkadda isgaarsiinta Golis iyagoo ku kasbaday qabashadiisa ixtiraamka iyo dareenka shacabka.

Daawo sawiradda:

IMG_3630 IMG_3632 IMG_3638 IMG_3639 IMG_3643 IMG_3646 IMG_3651 IMG_3662 IMG_3666 IMG_3668 IMG_3678 IMG_3690 IMG_3692 IMG_3696 IMG_3708 IMG_3714 IMG_3722 IMG_3724 IMG_3732 IMG_3734 IMG_3736 IMG_3739 IMG_3740 IMG_3742 IMG_3747 IMG_3748 IMG_3749 IMG_3751 IMG_3752 IMG_3754 IMG_3757 IMG_3758 IMG_3760 IMG_3765 IMG_3768 IMG_3770 IMG_3773 IMG_3777