Waxaa manta siweyn loogu soodhaweeyay Gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Madaxweynaha Puntand C/raxmaan Sheekh Maxamed oo kasoo socdaalay Magaalada Carmo oo katirsan Gobolka bari oo uu habeenkii  xalay ahaa u hoyday.

Qeybaha Kala duwan ee Bulshada ,maamulka iyo Cuqaasha ayaa siweyn Madaxweynaha Ugu gacanqaaday Duleedka Magaalada Boosaaso iyadoo Wefdiga Madaxweynaha ay Boosaaso kusoo dhaweeyeen msuuliyiin uuhorkacayay Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samadMaxamed Galan iyo Duqa Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan.

Shacab kala duwan oo safnaa hareeraha wadooyinka Magaalada ayaa Madaxweyne C/raxmaan kusoo dhaweeyay Caleemo Qoyan Qaarka mid ah Dadkaas aya Xirnaa Dhar kasameysan Calanka Puntland iyo Calanka Soomaalya

Madaxweynaha Iyo wefdigiisa Markii ay gaareen Xarunta Madaxtooyada Boosaaso waxaa u halkaaas kulahaadlay Wariyasha isagaoo kahadlay ugu horeyn imaanshihiisa Boosaaso, uguna mahadceliyay shacabka sidii ay u soo dhaweyeeen.

Dhinaca Kale Madaxweyne Faroole Ayaa waxaa uusheegay inta uujoogo Magaalada Boosaaso u kulamo la qaadan dono qeybaha kala duwan ee Bulshada, Isagaoo sheegay in uu kala hadli Doono arimo kaladuwan oo ay ka mid yihiin siyaasada haatan ee Puntland .

Madaxweynaha aya sidoo kale ka hadlay Nidaamka Ururada Siyaasada Puntland oo uu sheegay inuu muhiimad gaar ah u leeyahay DHalintarada oo uu sheegay in manta ay doorweyn kulahaayeen Soodhaweyntii loogu sameeyay Duleedka Boosaaso.

Khudbada Madaxweynaha Puntland oo uu dhinacyo badan kagahaadlay ayaa waxaa uu kusoo hadal qaaday in dhawaan Maamulkiisa uu sameysan doono Warbaahin Balaaran isagaoo sheegay in ay taaasi kagakaaaftoomi doono Warbaahinada kale eegaarka  loo leeyahay oo uu sheegay inay ka shaqeeyaan Arimo aan dan u ahayn Maamulka Puntland.

Madaxweynha Puntland ayaa Maalmaha Soo aaadan waxaa uu joogi doonaa Magaalada Boosaaso isagaoo kulamo kaladuwan oogaaargaaar ah la geli doona qeybaha Maamulka iyo Bulshada Noocyadeeda kaladuwan.




MAdaxweynaha iyo Wafdigii uu horkacayay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo salaan la dhextagay shacabkii soo dhaweynayay.

Madaxweyne Faroole oo u gacan haatinaya shacabka.


SBC International