Gudomiyaha Barlamanka Somalia Sharif Xasan Sheikh Aadan iyo Xubno ka tirsan barlamaanka Somalia ayaa maanta waxaa ku soo dhawayeeyay Garoonka diyarahada ee Magaalada Garowe  Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Xubnaha Golayaasha Dowlada Puntland iyadoo maanta amaanka Guud la adkeeyay

Wafdiga Gudoomiyaha Barlamanka Somaliya Sharif Xasan Sheikh Adan ayaa kadibna loo galbiyay Xarunta madaxtooyada halkaas  oo ku hadlay Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliya Sharif Xasan Sheikh Adan oo ka hadlay ugu horayn soo dhawaynta loo sameeyay, isagoona sheegay in uu siweyn ugu faraxsanyahay soo dhweynta qaaliga ah ee loo sameeyay .

Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo soo dhawaynta Gudoomiyaha hurmuud u ahaa ayaa dhankisa ka mahad celiyay Imaatinka Wafuuda uu hor kacayo gudoomiyuhu .

Dhanka kale Madaxwaynaha DKS iyo Madaxwaynaha Puntland ayaa maanta kor meer ku sameeyay dhawr xarumood oo ay ka mid ahayeen Xarunta loo cayimay in shirka lagu qabto Xerada ciidamada 54aad  Xarunta CIdamda Bada  iyo Hoolka Barlamaanka  halkaas oo labada Masuul ay ka dhagaysteen Xarumaha ay tageen isla markaasna ay hadalayo kooban ka jeediyen xerada Cidamada 54aad ee Garowe .

SAWIRO






C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe