Ciyaaraha gobolada Puntland oo maalintii afraad ka socda Garawe waxaa ay maanta galeen  is aragii labaad iyadoona  galabta garoonka mire aware ay ku ciyaareen afarta kooxood ee uu ka koobanyahay groupka A  waxaana kulana hore ciyaaray Nugaal iyo karkaar oo soo bandhigay ciyaar aad loo jeclaystay iyadoona  ay ka soo qayb galeen masuuliyiin dowlada ah iyo taagerayaal tiro beel ah kala tageersanaa nugaal iyo karkaar.

Markii ay ciyaartu bilaabatay waxaa ay ku bilaabatay wareer xoogan oo ay qaadeeyeen xulka gobolka Nugaal oo kalabta ay ka muuqatay in ay ka go’nayd in ay badiyaan halka xulka gobolka karkaarna ay ciyaar difaac ku dhisan ciyaarayeen  tobankii daqiiqo ee ciyaarta ugu horaysana nugaal waxaa ay  latimi goolkii kowaad ee ciyaarta iyadoo lagu kala nastay hal iyo eber markii laysku soo laabtay labada kooxodba waxaa ay soo bandhigeen ciyaar wanaag inkasta markale gobolka Nugaal ay soo taabteen shabaqa gobolka  karkaar sidaasna ay ciyaarta ku hogaminayeen ilaa dhamaadkii oo gobolka karkaar ay dhaliyeen gool waxaana ciyaartaasi ku soo dhamaatay labo gool  hal gool oo gobolka Nugaal gushu ku raacday  .

Markii ciayartaasi dhamaatay waxaa bilaabatay ciayarta dhexmaraysay gobolada Bari iyo haylaan oo iyagu aan wax dhibca ah lahayn kadib markii ay ka soo kala badiyeen Nugaal iyo Karkaar kulamadoodii kowaad  waxaana ay soo bandhigeen ciyaar aysan jeclaysan labadooda taageere oo ay ka muuqatay in ay kala baqayaan qaybtii hore ee ciyaarta hase ahaatee markii laga soo laabtay nashada ciyaarta ayaa waxaa gobolka Bari ay soo bandhigeen ciyaar weerarkeedu sareeyo iyaga oo marar badana sigay goolka gobolka Haylaan ugu taasi oo aakhirkii keentay in hal gool dhaliyaan ciyaarta oo wax yarka dhimanyihiin  daqiiqado yar ka dhimanyihiin waxaana ay filayeen in ciyaartu sidaasi ku dhamaan doonto maadama aan dhanka haylaan uga imaanayn wax wareero halis hase ahaate arintu sidaasi ma noqon  waxaa rigoore helay xulka gobolka Haylaan dhamaadkii ciyaarta taasi oo ay ay ku dhaliyeen goolkodii barbarada iyadoona aakhirkii ciyaartu ku dhamaatay  barbar dhac kaasi oo aysan midkoodna  jeclaysan labada xul najiidadaasi oo dhabar jab ku ah labada gobolba

Hadaba groupka A  waxaa  soo baxay oo xaqiijiyey  in ay wareega afar dhamaadka u soo gudbay xulka gobolka Nugaal oo labadii kulan ee ay ciyaareeba guul wayn gaaray sidaasina ku helay  lixdhibcood iyadoona gobolka karkaar uu leeyahay sadex dhibcood  halka bari iyo haylaan ay leeyihiin hal hal dhibic oo qura  waxaana natiijadoodu ku xirnaan doontaa kulamada soo socda 

DAAWO SAWIRADA













Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Groowe