Wafdigan Uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Gurmadka Qaxootiga Yemen ee Fadhigoodu yahay magaaladda Muqdisho ayaa shalay soo gaaray deegaanadda Puntland, waxeyna ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee magaaladda Galkacyo.

Wafdigan Culumaa’udiinka ah ayaa isla shalay Usoo kicitimay Magaaladda Garowe iyagoo Halkaas kula kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali maxamed Cali gaas, Waxanna la sheegay iney ka wada hadleen Arimo la Xiriira sidii loo caawin lahaa Qaxootiga Farahabadan ee ku sugan puntland iyo kuwa hadda ku soo wajahan.

Gudiga oo saaka ka soo amba baxay Garowe ayaa duhurnimadii Gaaray Dagmadda Qardho ee Gobolka Kar-kaar halkaasi oo ay ku taallo xero qaxooti oo si gaar ah ay udaganyihiin qaxootiga U dhashay dalka yemen, waxeyna halkaasi ku helaan Adeegyadda kala duwan ee Cuntada, Daawooyinka iyo Wixii kale ee ay ubaahanyihiin,

Sheikh Nuur Baaruud Gurxan ayaa deeq lacageed u qeybiyay Dadkani Waxaanna Qof walba oo Dadkii Ku Jiray xeraadaasi kamid ah la siiyay Lacag gaaraysa (200) Oo Dollar, iyadoonna Farxad laga dheehanayay Wajiyadda Dadkan Udhashay Dalka Yemen.
Gudoomiyaha Gobolka Kar-kaar ee Punland Oo Ugu horeyn Halkaasi ka Hadlay ayaa Masuuliyiintani kala duwan ku soo dhaweeyay dagmadda qardho, wuxuunna Talo Ahaan usoo jeediyay Sidii Looga Qeyb qaadan Lahaa Sidii dadkan ay uheli lahaayeen Dhul Deegaan ah oo Looga dhiso Guryo iyagu ay dagaan, waxaanna uu sheegay in Goobta ah daganyihiin ay tahay Xarun jaamacadeed Oo Dhawaanna Dib loo Furayo,

Sheikh Axmed Yuusuf Daad Gudoomiyaha Gudiga Qaxootiga Yemen ee Fadhigooduyahay Deegaanadda Puntland Oo Isna halkaasi ka hadlay ayaa Faah faahiyay nolasha Dadkan, isagoo Amaan Usoo jeediyay Gudiga Gurmadka Muqdisho oo uu sheegay iney qeyb weyn ka qaateen Soo Daabulidda Dadka Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee ku go’doonsanaa Gudaha dalka yemen.

Ugu Danbeyn Ayaa waxaa halkaasi ka hadlay sheikh Nuur Baaruud Gurxan Wuxuunna Dowladda iyo Shacabka Puntland Ku Amaanay Soo Dhaweynta Diiran ee ay usameeyeen wafdiga uu hogaaminayay iyo Qaxootiga Kale ee ka soo cararaya dalka yemen,

DAAWO SAWIRADA:

20150729_12010420150729_12154620150729_12172620150729_115141 20150729_115222 20150729_115407 20150729_115913 20150729_115931  20150729_120845 20150729_121516  20150729_121602