Munaasibad ay soo qaban qaabisay wasarada shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa salka ku haysay xuska maalinta dhalinyaradda aduunka oo ku beegan 12-ka bishaan sanad kasta, taasoo lagu soo bandhigayay horumarka laga gaaray dhanka dhalinyarada, xoojinta wada shaqayndooda iyo dhismaha daladii mideyn lahaa dhalinyaradda Gobaladda.

Waxaa kasoo qayb galay saraakiil ka socda Hay’addaha wasaradda la shaqeeya, wasiirka Cadaalada, wasiir ku xigeenka waxbarashada, wasiirka dhalinyaradda, wasiirkii hore ee Deegaanka iyo masuuliyiin kale.

Maryan Siciid Maxamed oo afka dhalinyaradda Haweenka ku hadlaysay ayaa Munaasibadaasi Ka sheegtay inay marka hore ku faraxsan tahay in magalada Garowe loogu dabaal dego xuska dhalinyaradda caalamka oo qayb ka yihiin sidoo kale waxay ka hadashay caqabada dhanka shaqada iyo tixgalin la’aanta haweenku la kulmaan.

Wasiirka Shaqada iyo shaqalaha iyo dhalinyaradda Cabdiraxmaan Shiikh Axmed ayaa khudbad uu goobta kasoo jeediyay sheegay in dhalinyaradda looga baahan yahay inay muujiyaan dowrkooda ku aadan horumarka dalka iyo ka shaqaynta nabadglayadda, sidoo kale waxa uu sheegay inay gacanta ku hayaan xeerka Daladda guud ee dhalinyaradda Puntland oo dhowaan Garowe lagu dhisay.

Aduunka ayaa sanadkan Oo kale Looga Dabaal Dagayaa Munaasibadda Maalinta Dhalinyaradda Aduunka Ayadoo la soo Bandhigay Waxyaabo kala duwan Oo Quseeyo Arimaha Dhalinyarada.

Daawo Sawirada:

140 146 186 (1) 227-450x300 316 317 414

 

 

911-450x300713-450x300