Macnaha waxa qiimaha kuu leh waxaad ogaan kartaa ama dareemi karta marka aad waydo adigoo u baahi iyo hamuun qaba, waxaana taasi lagu ogaadaa hadaba xaaladaha kula soo gudboonaada.

Ummada Soomaaliyeed oo xor ah in ka badan 50 sano waxay kala bar xiligaasi ku jirtaa nidama la’aan iyo dalwad taasi oo gaaraysa 22 sano iyadoo la la’yahay dawlad dhexe oo awood leh oo soo celisa karaamadii iyo sharaftii ummadu laheyd.

Sawirka maanta aan idin soo xulnay waa sawir laga qaaday orodyahankii Soomaaliyeed Cabdi Bille Cabdi oo ku guuleystey tartamada orodka aduunka sanadihii 1987 & 1989 kuwaasi oo uu ka galay kaalimaha koowaad orodka 1500 m.

Tartamadaasi waxay kala ahaayeen World Championship oo lagu qabtey magaalada Roma ee caasimad wadanka Talyaaniga uu Cabdi Bile ka galay kaalinta 1-aad, iyo IAAF World Cup oo lagu qabtey magaalada Barcelona ee wadanka Spain oo uu sidoo kale ka galay kaalinta koowaad.

Ujeedada sawirkan waxay tahay in hadii la helo dawladnimo iyo nidaam shaqeeya la heli lahaa dad badan oo waxtar u leh bulshada oo magaca iyo calanka Soomaaliyeed aduunka bari lahaa sumcadna u soo jiidi lahaa, laakiin 35 sano ka dib makrii Cabdi Bille uu dad badan oo aduunka ku dhaqan magaca Soomaaliya iyo calanka uu baray waxay aheyd wax qof kasta oo Soomaali ah oo ku faani karo sharafna u ah.

Cabdi Bille dawladnimo iyo qaranimo lagu daray dadaalkiisa ayaa la oran karaa waxay aheyd midda heerkaasi gaarsiiyey maadama hadii aad heli karto cid ku gacan qabata oo aad ku tiirsan tahay aadna ku xisaabtamayso in aad magac qaran huwan tahay  waxaad gaari kartaa sumcadaasi iyo magacaasi.

Imisa Cabdi Bille oo kale ah ayaa 22 sano la heli lahaa, immisa arimo ku wanaagsan ayaa la arki oo soo bixi lahaa, imisaa macno la’aan u dhimatey, baddaha ugu daatey, xeryaha qaxootiga ugu jirta, u rafaadsan ama loo waysan yahay.

Dadaalka qof kasta oo Soomaali ah la gudboon waa dib u soo celinta qaranimada iyo midnimada Ummada Soomaaliyeed kuna wadadaalno in dalwadnimo ay tahay waxa lagu gaari karo wax kasta oo horumar bulsho ah.

SBC News Desk