In bulsho kasta oo dunida ku dhaqan ay sameysato xeerar & nidaam lagu ilaaliyo kala dambeynta, sharciga iyo hawlmaalmeedka caadiga ah waa mid lama huraan u ah, waxaana hadii taasi meesha ay ka baxdo xaalku uu isagu biyo shubanayaa jaantaa rogan, nidaam la’aan iyo wixii aan doono aan sameeyo oo ay u sii dheer tahay maxaa iga igalay iyo ma anaa iska leh, ogow nidaamka waa loo samin yahay, dawlad iyo dadweyne hadii aan nidaam jirin kala haga qaybahaasi gorada in la isla galaa waa mid aan shaki iyo caad saarneyn.

Horumarka iyo hanaanka nabadeed ee ummadi ay ku tilaabsato ma ahan wax shisheeye uga shaqeeyey waa halka ay Soomaali uga maahmaahday “Biyo Sacabaddada looga dhergaa”, macnaha ay xambaarsan tahay Maahmaahdan waxay tahay in adigu wixii aadan isku qaban aanay cidna kuu qaban karin, iyadoo haraad hadii uu ku hayo qofka kaliya ee garan karaa uu yahay naftaada, waxaana halkaasi ka muuqata isku haleynta qof kale la isku haleeyo ay keeni karto inaadan uga baahi bixin wixii maankaaga ka guuxayey ama naftaadu u hamuun qabtey.

Sawirka maanta aan idiin soo xulnay ee hoos ka muuqda waa sawir laga qaaday Jid ama waddo laami ah oo ku taal dalka Shiinaha taasi oo ay ku socdaan daraasiin baabuur ah oo qayb kasta ay haysato jidkeeda aysanna jirin cid isku xadgudbaysa ama nidaamka qaloocinaysa.

Wadadan oo ka kooban sida idiin muuqata 17 khad (Line), khad dhexe oo iskiis u taagan iyo 3 kale oo dhinac taal taasi oo ka dhigan 21 khad (line) oo barbaryaal waxaa la oran karaa waa mid ka mid ah wadooyinka ugu mashquulka badan ama ugu gawaarida badan (Traffic ) badadan aduunka.

Laakiin nidaamka iyo ilaalinta qaanuunka sharci oo cidnna aanay ku xadgudbeyn cid kale oo aanay jecleyn in ay qaadato wixii xaq aanay u laheyn ayaa keenay in si degan oo qof kasta dantiisa u cararayo loo socdo, taasi waxaa ka lamaansan in qof kasta oo wadadaasi ku socda uu ogyahay in hadii nidaamkaasi la qaloociyo ama uu isagu bilaabo fawdo in aanu jirin doonin xeer kala hagi kara boqolaalkaasi gaari oo labadii iska hortimaadaba gafuurka is gashan karaan ama si kale la isagu dhici karo, waxaana taasi ku lamaansan wadaniyad iyo dal jacel qof kasta uu ka biyo diidayo in dalkiisa uu ku sameeyo xadgudub sharci, Ogow wax ka wanaagsan ma jiro sharci.

Shiinaha waxaa ku dhaqan dadka aduunka ugu badan tiro ahaan waxaa la sheegay inay gaarayaan 1.3 bilyan, waa wadan ka kooban 22 gobol ayna ku nool yihiin 52 qabaa’il inta la aqoonsan yahay, ma u maleynaysaa in awood ciidan iyo xoog kaliya ay keentey in sidaasi sharciga loo ilaaliyo ?, inkastoo sharciyan ilaalinta qaanuunka ay iska leeyiiin hay’adaha dawladeed hadana waxaan muran iyo dood ka taagneyn in wadaniyad meesha aanay ka marneyn.

Hadii aan u soo laabano dalkeenna Soomaaliya dib u fiiri maxaa waddo la burbiriyey, maxaa sharci lagu ciyaaray, maxaa wadaniyad la la’yahay, maxaa shisheeye loo jilbo dhigtey oo laga sugayaa in uu kuu dhiso min madaxweyne ilaa nadiifiye, maxaa dal jaceyl loo waayey, maxaase mindimo iyo isku duubni in sharci iyo qaranimo lagu ilaaliyo oo dawladnimo lagu hanto inoo diiday oo dadka dunida la jaan qaadno?.

Dib u milicsado wadooyinkii dalkeenna sida loo burburiyey, calaamadihii iyo xayndaabayadii ka hortagayey shilalka & kuwii kala hagayey gawaarida oo qaarkood guriyo laga dhisey kuwa kalena dibadaha loo beec geeyey.

Dib u eeg 22 sano oo dib u dhac maxaa hawl inna horyaal oo u baahan karti, wadaninimo, Midnino, dulqaad, samir iyo issa-saamax bulshada dhexdeeda maankana lagu hayo sidii looga gudbi lahaa caqabadahaasi oo dib loogu soo celin lahaa sharaftii iyo karaamadii ummada Soomaaliyeed.

Waa su’aalo la iswaydiin karo, maxaadse adigu ku cabiri laheyd oo fikirkaaga ah (Have your say) hoos comment-ga ku soo qor waxa ay kula tahay aragtidaadu sidii aynu ugu dayan laheyn horumarkan, mise kula tahay in dhibka iyo kala qoqobka haatan lagu jiro in lagu hiigsan karo horumar caynkan oo kale ah, maxaase kaa saaran oo waajibaad ah inaan ilaalino sharciyada iyo nidaamka oo dalkeenna dib ugu soo celin karaa kala dambeyntii iyo in qof kasta uu ka bilaabo sidii uu u dhaqan galin lahaa dib u soo celinta amarka iyo kala dambeynta.

SBC News Desk