Sawirka maanta aan idiin soo xulmay waa sawir ka turjumaya dhibaatada qaadka iyo masuuliyad darada waalidiinta qaarkood, kuwaasi oo  halagaa sheego iyo masuulimad xumo ugu kaca falal aad u xun.

Sawirkan sida aad aragtaan waxaa ka muuqda wiil yar oo loo goglay sijaayad ama katiifad si wacanna loogu goglany in uu ku marqaamo, sawirkan uu inoo soo gudbiyey mid ka mid ah baha ku xiran xubinta sawirka maanta wuxuu ka cudurdaartey in uu soo gudbiyo sawirkan magaalada lagu qaaday iyo waliba xiliga la qaaday, laakiin wuxuu sheegay in sawirkan in la qaado ay raali ka ahaayeen waalidka cunugan yar ee bacda qaadka dhawrka marduuf cabeysan tahay.

Waa su’aalo la iswaydiin karo, maxaadse adigu ku cabiri laheyd oo fikirkaaga ah (Have your say) hoos comment-ga ku soo qor waxa ay kula tahay aragtidaada sawirkan waxa aad ka fahamtey iyo masuuliyad xumada waalidiinta ilmahan

SBC News  Desk