Qaadka ama Jaadku wuxuu ku hayaa dhibaato aad culus dalkeena, wuxuu saameyn weyn ku yeeshey dhinacyada dhaqaalaha, caafimaadka, asnshaxa iyo horumarka bulshada, isagoo ibtillo joogto ah dhex dhigay qoysaska.

Maalin kasta dalkeena gobolada kala duwan waxaa soo gala qaad aad u fara badan kaasi oo ku fadhiya boqolaal kun doolar, waxaana faa’idada ugu weyn hela dalalka dalkeena caleenta qaadka u soo safriya iyaguna hela lacag adag oo dalka hadii wax looga qaban lahaa horumar buuxa lagu talaabsan lahaa.

Kaliya kuma koobna qaadku lacagta adag ee dalka ka baxda ee lagus oo badasho caws aan faa’ido u laheyn aduun iyo aakhiro, wuxuu kaloo ku riday dib u dhac aad weyn dhalinyarada dalka kuwaasi oo lafdhabar u noqon lahaa samabixinta dalka, nabad dhalinta, horumarinta iyo  iyo gaaritaanka mustaqabal wanaagsan.

Sawirka maanta aan idiin soo xulnay wuxuu ka turjumayaa saameynta dhinac kasta ah ee qaadku ku yeeshay dalka iyadoo xoolihii ay haatan marqaamayaan ayna kaga dheereynayaan dadka qaadka cunka.

Sawirka sida aad ku aragtaan waxaa ka muuqda laba neef oo ari ah una qaab eh ari magaalo joog ah oo qaad si ba’an u raamsanaya, kuwaasi oo aan meel kale eegeyn inay laamaha qaadka diirtaan mooyaane.

Waa su’aalo la iswaydiin karo, maxaadse adigu ku cabiri laheyd oo fikirkaaga ah (Have your say) hoos comment-ga ku soo qor waxa ay kula tahay aragtidaadu sidii bulshada looga wacyi galin lahaa dhibaatada qaadka, mise kula tahay in malaayiin doolar ay sanadkasta inooga baxdo caleen aan wax faa’ido ah u laheyn dal iyo dad, isla markaana haatan arigii ama xoolihii ay marqaan la taagan yihiin dariiqyada.

SBC News Desk