Dhaqashada Geella waxay ka mid tahay dhaqamada Ummada Soomaaliyeed ay ab iyo isir u laheyd  ee soo jireenka ah iyadoo dadka Soomaaliyeed lagu tiriyo bulsho xoolo dhaqato ah ama reer guuraa ah ama dad ku xiran xoolo dhaqashada 60 ilaa 70%.

Nacfiga xoolaha nool ama geella wuxuu yahay Ummada Soomaaliyeed tiir muhiim ah, iyadoo waxyaabaha Soomaalidu ku faanto ee ay u haysato kheyraadka ay ka mid yihiin xoolaha nool ahaan Geella iyadoo ku tiirsanaanta nacfiga Geella uu yahay wax aad ugu qiimo badan bulshada Soomaaliyeed.

Sawirka maanta waxana kus oo qaadanaynaa sida aad aragtaan wiil yar oo Soomaaliyeed oo geel jirre ah oo sita doobi ama Toobte Geella caanihiisa uu ku maalo.

Wiilkan wuxuu la jiraa geel wuxuu si nabad ku jirto u daajinayaa geel nacfigiisu ay ka tiirsan yihiin naftiisa iyo tan qoyskiisa isagoo har iyo habeen u taagan in uu ilaaliyo oo uu geelaasi uu u dhaqo si hagaagsan taasi oo ah shaqo aad u adag oo juhdi badan uu galiyo.

Ummada Soomaaliyeed ee ay guumaystayishii kala qaqobeen ayna dhex dhigeen fidno qabiil oo qaraxdey 22 sano ka hor waxay

Abwaan Soomaaliyeed ayaa curiyey hees mirahadii ka mid ahaayeen “Wiil geeljiroon gaajadu kareyn waa waxa dhulkeenna u gaar ah oo l’ay naku gartaa ,  taasi oo uu Abwaanku ula jeeday in ummada Soomaaliyeed hido iyo aqoonsi uu u yahay dhaqashada geella oo waliba wiil yar uu la jiro.

SBC News Desk