Qiimaha nabaddu u leedahay aadanaha ayaa ah mid macaankeeda la arko marka la waayo deganaansho iyo xasilooni iyadoo qaraarka nabad la’aanta la dhadhamiyo marka sharci iyo nidaam la’aantu gaarto heerka ugu sareeya oo la waayo meel loo ciilriisdado.

Hubka oo gacanta u gala shacabka waa tan ugu daran ee nabad la’aanta horseeda markaasi oo la waayo hab lagu xakameeyo falalka amni darada oo noqda tusbax afka laga furey qaanuunkana la hareer maro wax kasta oo nidaam ahna lagu dul socdo.

Sawirka maanta aan idin soo xulnay wuxuu ka turjumayaa muhiimada ay leedahay in la xakameeyo hubka sida qoryaha ee gacanta ugu jira dad badan oo Soomaali ah kaasi oo mashaqo iyo mushkilad ku haya amaanka qof kasta.

Waa su’aalo la iswaydiin karo, maxaadse adigu ku cabiri laheyd oo fikirkaaga ah (Have your say) hoos comment-ga ku soo qor waxa ay kula tahay aragtidaada sida ugu haboon ee dalka Sooomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa, qof kastana uu kaalintiisa uga qaadan lahaa dib u soo celinta amaanka iyo nabadda, adigoo kacabir qaadanaya sawirkan qoriga qufulka loo sameeyey ee la xakameeyey.

SBC News Desk