Sawirka maanta waxaan ku soo qaadanaynaa oo aan ka soo xulnay keydka sawiradda todobaadka na soo gaaray sawir aad inoo cajibiyey kaasi oo ay ku wadajiraan nin iyo afartiisii xaas, kuwaasi oo iyagoo faraxsan wado laafyoonaya.

Ninkan iyo xaaskiisa oo u dhashay wadanka Indonesia ayaa waxay lugaynayaan wado, iyadoo xaasaska ay xiyaaban yihiin iyadoo ay ka muuqato dhaqan diimeed, halka ninka qudhiisa madaxa u saaran tahay koofiyad madow.

Sida ka muuqata sawirkan qoyskan waxaa ka muuqata farxad waxaana ay u muuqanayaan inay ku qanacsan yihiin nolashooda, iyadoo taasi ka dhigan tahay in ninkaasi uu xuquuqda xaasaskiisa meel saaray oo aanay jirin mid ciil ama caro qabto, taasi oo ah shaqo aad adag oo ragga oo dhan aanay ku wada dhiiran karin ama ka soo bixi karin, waxaa kale oo laga dheehan karaa sawirka in ninku uu labadiisa gacmood ku kala hayo laba ka mid ah afartiisa xaas, iyagoo dhamaan wada qanacsan yihiin.

Dad badan ayaa su’aalo badan iska waydiin kara oo is waydiinaya, ninku ma wuxuu jecel yahay labada uu gacmihiisa ku hayo, mise waaba labada ugu yar yar, mise waa labada ugu dambeysa ee uu guursado.

Sida aad u aragto sawirkan ra’yigaaga ku qor qaybta hoose ee comments-ka waana qayb ka mid ah nasiinada Jimcaha.