Sawirka maanta aan idiin soo xulnay wuxuu ku aadan yahay heerka ay gaartey fawdada iyo nidaam la’aanta ka taagan Soomaaliya oo gaartey in xitaa jinsiyada Soomaalinimada qofkii doono uu ku sameeyo wixii uu doono uuna iska sheegto.

Dalka Turkiga dhawaan waxaa laga soo wariyey in ay soo gaareen boqolaal ajaanib iyo Soomaali isagu jirta kuwaasi oo tahriib u ahaa qaarada Yurub galbeedkeeda, ajanaabiintii oo u badneyn wadamada Afrikaanka gaar ahaan kuwa xitaa muuqaal ahaan aanay isku ekeyn Soomaalida ayaa waxay sheegteen inay yihiin Soomaali.

La yaabkii ugu darnaa wuxuu ahaa iyadoo ragaasi qaarkood ay sheegteen inay iska dhaleen hooyo u dhalatey dalalka Ghana, Cameron, Senegal iyo wadamo kale iyo hooyooyin Soomaaliyeed, waxay ku hadlayeen luuqadaha Ingiriiska iyo Faransiiska, waxay sheegeen inaanay luuqada Soomaaliga ku hadli karin oo iyagoo yar yar ay ka tageen Soomaaliya qaarkood, halka kuwa kale ay sheegeen inay ka yimaadeen Muqdisho gaar ahaan agagaaraha garoonka kubada cagta ee Stadium Muqdisho.

Sawirkan maanta waxaa sida aad aragtaan ka muuqdaa qof ajanabi ah oo cadaan ah oo loo sameeyey baasaboorka Soomaaliga taasi oo kuu muujinaysa heerka ay joogto sharci la’aanta wadanka ka taagan, iyadoo ay jiraan boqolaal ajaaniib ah oo magaca Soomaaliyeed ku sameeya ama ku galey dambiyo kala duwan oo qaarkood halis yihiin ayna salfadeen dad badan oo Soomaaliyeed.

Ninka ajanabiga ah ee sawirka ka muuqa oo lagu magacaabo Carl wuxuu booqasho ku tagey magaalooyin kala duwan oo ka mid ah Soomaaliya wuxuu ahaa nin wax ka qorayey mushkilada dagaal ee Soomaaliya ka jirta, laakiin ujeedada sawirkaasi uu ugu dhajiyey baasaboorka Soomaaliga ayaa ah inuu dunida tuso wax kasta inay ka suurtagal yihiin Soomaaliya oo 5 daqiiqo wax ka yar aad ku noqon karto Soomaali.

Tani waxay u tahay sharaf dhac iyo bahdil qof kasta oo Soomaali ah waana mid u baahan in sidii looga samata bixi lahaa saldhiga dhibaatadan loogu gutan lahaa oo aan dalka lagu haleyn oo kaliya shakhsiyaad kooban oo dantooda eegaya kuwaasi oo ay ka toosi la’dahay xal u helida Soomaaliya 22-kii sano ee la soo dhaafay.

Waa su’aalo la iswaydiin karo, maxaadse adigu ku cabiri laheyd oo fikirkaaga ah (Have your say) hoos comment-ga ku soo qor waxa ay kula tahay aragtidaadu sidii bulshadeenu ugu kici laheyd dib u soo celinta sharaftii iyo karaamadii ummada Soomaaliyeed.

SBC News Desk