Saxafiyiintu waxay ka mid yihiin qaybaha ugu muhiimsan bulshada, waxaana bulsho kasta horumarkeeda laga dheehdaa hanaanka & horumarka ay kaga talaabsato qaybaha kala duwan ee saxaafada sida xoriyada saxaafadda & waliba warbaahinta casriga ah ee ka kooban Tv, Jaraa’id, Radio & waliba Internet-ka.

Dunida maalin walba waxaa ka dhaca tacadiyo kala duwan oo dhanka saxaafadda la soo gudboonaada, iyadoo dilalka, xariga iyo caburinta saxaafadu ay ka noqdeen wadamada dunida sadexaad heerkii ugu sareeyey mudooyinkii ugu dambeeyey.

Maamulada ama dawlada aduunka waxaa laga dheehdaa heerka kalsoonida iyo furfurnaanta siyaasada ogolaanshaha warbaahin xor u shaqeysa iyo waliba ilaalinta madaxbanaanideeda.

Sawirka maanta ee aan idiin soo xulnay wuxuu ka turjumayaa dhibaatada ay saxafiyiintu ku qabaan gudashada hawshooda u waramida bulshada aduunka iyadoo taasi ku lamaansan tahay tacadiyada joogtada ah.

Sawirkan sida aad aragtaan waxaa ka muuqdaa neef Geel ah oo nin saaran yahay oo waliba ul si xun ugu garaacaya, neefkaasi geella ah wuxuu dusha ka marey oo uu dardaray nin saxafi ah oo sawir qaade ah.

Dhacdadu waxay ka dhacdey magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar xili sanadkii hore rabshado looga soo horjeedo madaxweynihii la riday ee Masaarida Xusni Mubaarak ay dalkaasi ruxeen.

Dibadbax ka socdey fagaaraha Tahriir ee magaalada Qaahira oo ay ka qay galayeen boqolaal kun oo qof ayaa waxaa halkaasi tagey saxafiyiin kala duwan oo ujeedadoodu aheyd in ay dunida u gudbiyaan waxa halkaasi ka dhacaya.

Hadaba nin ka mid ahaa saxafiyiintii goobtaasi ku sugnaa ayaa waxaa gurada uga baxay oo dardaray neef geel ah oo uu watey nin ka mid ahaa dadkii banaanbaxa ka qayb galey, iyadoo saxafigaasi sida aad ku arki kartaan sawirka uu dhulka ku dhacay isaga iyo qalabkii shaqada ay halkaasi ku galeen halis isla markaana dhaawac uu soo gaaray saxafiga.

Dhacdadan oo dad badan ka yaabisay ayaa waxay muujinaysaa in xitaa xooluhu hadii ay jaanis ku helaan saxafiyiinta inaanay u aaba yeelin oo ay dardarayaan, waxaana la is oran karaa “Xitaa Geellu uma damqanayo saxafiyiinta dunida ee dhiban”.

Waa su’aalo la iswaydiin karo, maxaadse adigu ku cabiri laheyd oo fikirkaaga ah (Have your say) hoos comment-ga ku soo qor waxa ay kula tahay aragtidaadu ilaalinta xoriyada saxaafada iyo dhibaatooyinka soo gaaraya Mahadsanid.

Fiiro Gaar ah: Waxaan aad uga xunnahay in aan soo daabici wayno qaybo ka mid ah comments-ka dadku bixiyeen oo qaarkood ay xambaarsan yihiin virus halis galin kara hawlaha web-ka, iyadoo sababo amaanka farsamada Internet-ka aan u masaxnay fariimo aad u fara badan oo jawaab celin ah oo ay dad badan dhiibteen.~

SBC News Desk