Degmo ka tirsan gobolada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya waxaa naga soo gaaray sawir uu inoo soo gudbiyey Jaamac Macaawiye, magaalada ma uusan soo sheegin, sawirka waxaa ka muuqda laba neef oo geel ah oo Kabar Qaadka/Jaadka lagu iibiyo mid ka mid ah waxay madaxa kula jirtaa kabarka waxaadna moodaa inay iska eegayso nooca qaadka oo ay marqaami rabaan.

Kabarka hortiisa sida aad ku aragtaan sawirka waxaa kabarka qaadka hareerihiisa waxaa dhooban dad fara badan oo asxaabul marqaan u muuqda kuwaasi oo xiligaasi u hamuun qabey qaad la is oran karo wuu soo dhacay xiligaasi.

laakiin muqayiliinta qaadka u hamuunta qaba waxaa ka dheereeyey kabarkii madax madax ugalay labada neef ee geella ah oo u muuqda inay u baahan yihiin in marqaanku gaaro uu iska jabiyaan dubaabka.

Malaha ma labada neef ee geella ah way qayili doonaan, mise waa geel bartey sida loola marqaamo oo ninka iska leh ayaa marqaan yahay ah oo barey, mise geelu qayilaad ma rabee wuxuu meesha u joogaa haragada qaadka in uu micida saaro, mise ninkii lahaa ama kii la joogay oo asxaabul marqaan ah ayaa meesha soo galey oo qaad baayacaya geeluna sidaasi ayay ku raad joogaan oo ay isaga ayay doonayaan ?.

Waa su’aalo la iswaydiin karo, maxaadse adigu ku cabiri laheyd oo fikirkaaga ah (Have your say) hoos comment-ga ku soo qor waxa ay kula tahay.
Mahadsanid.

Fiiro gaar ah: Hadii ay jiraan sawiro ku cajab galiyey oo ay tahay in bulshada aad la wadaagto ama aad adiguba qaaday fadlan ku soo dir webmaster@allsbc.com