Diyaarad sidda daawooyin & dhakhaatiir ka qayb qaadan doona u gurmida dadka ku waxyeeloobay qaraxii Zoope Oo Katimid Shacabka & Dowlada puntland, ayaa kasoo degtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi, Wasiirada Caafimaadka iyo Arimaha Gudaha DFS, Xilibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka DFS ee laga soodoorto Deegaanada Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa soodhoweeyey Wafdiga oo u hogaaminayey Wasiirka Caafimaadka Puntland & Senator Maxamuud Mashruuc.

Dhamaan Mas’uuliyiintii Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey Dowlad Goboleedka Puntland sida ay uga qeyb qaateen ka maamul ahaan howlaha gurmadka ah iyo sidoo kale maamulada kale ee Dalka kajira.