Sarkaal ka tirsan ciidanka Nabadsugida Dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu qarxiyay gudaha maagalada Muqdisho.

Gaari uu watay sarkaalkan ayaa la sheegay in lagu rakibay walxaha qarxa, waxaana uu ku qarxay xili uu marayay barxada Shaleemo Africa ee magaalada Muqdisho.

Wararku waxay intaas ku darayaan in sarkaalkan uu soo gaaray dhaawac, balse halistiisa leh loolana cararay goobaha caafimaad ee dadka lagu daweeyo.

Ilowareedyo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sarkaalkan lagu magacaabo C/casiis C/qaadir Xabiib Muunya, iyadoo weerarka lagu qaaday lala xiriirinayo xarakada Alshabaab.