Saraakiisha Police-ka DKMG ee Galgaduud oo dib u howlgelinaya Xarumaha Police-ka Gobolka

Taliyaha Ciidamada Police-ka Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ee gobolada dhexe Maxamed jimcaale Cosoble ayaa waxa uu sheegay in dowlada KMG ah ay ku guda jirto sidii loo horumarin lahaa xarumaha ciidamada police-ka ay ku lahaayeen Degmooyinka Gobolka galagaduud.

Taliyaha ayaa sheegay in arintani atahay mid looga dan leeyahay sidii loo soo nooleen lahaa xarumaha ciidamada Police-ka ay ku lahaayeen goboladaasi si sirasmi ay uga howlgalaan.

Xarumo waaweyn oo ay ka howlgali jireen ciidamada Police-ka Dowladii Soomaaliya ayaa ka jiray gobolka Galagaduud waxaana iminka ay muujinayaan saraakiisha ciidamada Police-ka sidii dib loo howlgelin lahaa.

Hadalka ka soo yeeray taliyaha ciidamada Police-ka DKMG ah ee Gobolada Dhexe ayaa ku soo aadaya xili DKMG ah ay maamul cusub u soo magacawday gobolka Galgaduud kaasi oo ay siweyn u sood haweeyeen dhacabka deegaanadaasi ku dhaqan.

SBC International Dhuusamareeb.

Daalacatey :355

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print