Saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo Jabuuti ee ku sugan Magaalada Baladweyne xarunta gobolkaasi Hiiraan ayaa kulamo gooni gooni ah oo albaabada u xiran yihiin la leh qaar ka tirsan maamulka DKMG ah ee gobolkaasi Hiiraan ka dib khilaaf soo kala dhexgalay masuuliyiinta maamulkaasi.
Khilaafka oo salka ku haya sida wararku aan ku heyleyno is qabqabsi dhanka Xilalka ah ayaa la hadal hayay maalmihii ugu dambeysay waana tan keentay in saraakiisha Itoobiyaanka iyo kuwa Jabuuti ay soo dhexgalaan.
Waxaa ay sheegeen dad ku xeeldheer siyaasada gobolka Hiiraan in khilaafkan uu yahay mid xoogan islamarkaana uu sababi karo hadii uu sidan ku sii socdo gacan ka hadal ama siyaasad xumi soo kala dhexgasha labada dhinac.
Waxa uu si rasmi ah khilaafka ugu dhexeeyaa gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee DKMG ah iyo Maamulka Degmada Baladweyne oo ah xarunta gobolka, waxana uu khilaafku ka bilowday amaro gudoomiyaha gobolkaasi ku dhawaaqay ayna ka diideen masuuliyiinta maamulka degmada Baladweyne.
Inkastoo aan war rasmi ah laga heli karin wada hadalka ay ku dhexjiraan saraakiisha Ciidamada Amisom ee ku sugan gobolka iyo ciidamada Itoobiya ayaa hadana waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in kulamadaasi laga soo saaray amaro qeexaya in talada maamulka sare ee gobolka la qaato lana raaxo awaamiirta uu soos aaray.
Si kastaba ha ahaatee tan iyo intii dowlada KMG ah ee Soomaaliya la wareegtay gobolka Hiiraan waxaa ku soo laalaabanayay khilaafaadka u dhexeeya masuuliyiinta loomagacaabay gobolka kuwaasi oo hadba isku qabsada waxyaabo yar yar,
C/casiis Okey
SBC International Garoowe.