Saraakiisha ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baladxaawo ee gobolkasi Gedo ayaa ka warbixiyay qarax maalin nimadii shalay halkaasi lagula eegtay ciidan ka tirsan DKMG ah.

Buule Axmed Aadan (Buule Qalooc) waxa uu ka mid yahay Saraakiisha dowlada KMG ah ee Soomaaliya ee ku sugan Baladxaawo waxaana isagoo la hadlayay xafiiska SBC ee Gobolkaasi Gedo waxa uu sheegay in qaraxii dhacay oo lala eegtay gaadiid ay wateen ciidamada uusan geysan khasaare Nafeed hase ahaatee uu gaarigii ay wateen un uu soo gaaray khasaare.

Waxa uu Mr qalooc intaasi ku daray in qaraxa uu ahaa nooca dhulka la geliyo, taasna ay keentay khasaaraha gaariga soo gaaray,

Waxa uu ku eedeeyay qaraxa dhacay in xarakada mujaahidiinta Alshabaab inkastoo aan jirin ilaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay xarakada oo lagu beeninayo ama lagu sheeganayo masuuliyada qaraxaas.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka dhacayay  meelo ka tirsan gobolka qaraxyada qorsheeysan ee loola damacsanyahay ciidamada Dowlada KMG ah iyo kuwa kenya, mana ahan markii ugu horeysay uu ka dhaco Baladxaawo qarax.

C/Khadar Maxamed Siraad
SBC International Gedo