Saraakiisha Caafimaadka Isbitalka Garoowe oo ka warbixiyay Xaafadalaha Caafimaadka…

Maamulka Isbitalka magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyay hoos u dhac ku yimid maalmihii ugu dambeeyay kiisas cudurka shubanka ah oo waayadii ugu dambeeyay soo gaarayay isbitaalka .

Dr Axmed Siciid Saleebaan oo ah mid ka mid ah Saraakiisha isbitaalka guud ee magaalada Garoowe ayaa sheegay in iminka ay yaraadeen caruurta yar yar oo qaba cudurka Shubanka kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyay ku soo qul qulayay isbitaalka .

Digtoorka ayaa sidoo kale sheegay in cudurka shubanka uu ka dhashay roobab todobaadyadii ugu dambeeyay ka da’ay deegaanka, ayna dhigeen biyo faraba dan wadooyinka iyo goobaha xaafadaha ah ayna jiraan waxayabo fidiyay sida Duqsiga.

Dhinaca kale waxa uu Dr Axmed Siciid sheegay in ay jireen sidoo kale cuduro kale oo uu ka mid yahay cudurka jadeecada. iyadoo  caruur la ildaran cudurkaasi la soo gaarsiinayay Isbitalka islamarkaana haatan uu ka yaraaday magaalooyinka .

Si kastaba ha ahaatee Cudurka shubanka ayaa si weyn loogaga dareemay gudaha magaalada Garoowe iyadoo uu soo ritay caruur tiro badan oo lagu dabiibay isbitalka guud ee magaaladaas inkastoo iminka ay saraakiisha caafimaadka xaqiijiyeen in uu yaraaday .

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII