Saraakiisha amaanka maamulka Ahlusuna waljamaaca ayaa kulan ay ku yeesheen gudaha magaalada xarunta u ah gobolka ay ka arimiyaan ee Galgaduud waxa ay kaga falan qoodeen arimo ku aadan amaanka gobolka gaar ahaan magaalada dhuusamareeb .

Saraakiisha waxa ay isla qorsheeyeen in dib u habeyn xoogan lagu sameeyo ciidamada amaanka ahlusuna waljamaaca ee ka howlgalaya magaalada xarunta ah, waxaana ay ku booriyeen qeybaha kala duwan ee bulshada sidii amaanka looga wada shaqeyn lahaa ciidankana loola shaqeyn lahaa.

Maxamed Cartan Shuuriye Taliyaha amniga Degmada Dhuusamareeb ayaa u sheegay SBC in la diyaarin doono ciidan bulshada dhexgali doono kuwasi oo aan aheyn kuwo dresskii ciidanka wata balse ah dharcad si ay uga helaan xogaha dadka amaanka wax u dhimaya waasida uu hadalka u dhigaye.

Kulamada ku aadan amaanka ee ay wada qaateen sarakiisha qaabilsan nabadgeliyada ee Ahlusuna waljamaaca ayaa ku soo aadaya xili deegaano badan oo ku yaala gobolka galgaduud ay ku soo laalaabanayeen waayadii ugu dambeysay xiisadaha colaadeed ee u dhexeeya dad deegaanadaasi wada dega.