Saraakiil ka tirsan DKMG ah oo Guulo ka sheegtay Dagaalo ka dhacay G/Bakool

Saraakiisha ciidamada DKMG ah Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Bakool ayaa sheegay in dagaal maalintii shalay ilaa xalay ka dhacayay gobolkaasi ay guulo ka gaareen .

Mid ka mid ah saraakiisha DKMG ah ee Ku sugan gobolkaasi oo u waramay SBC ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ka dhacay deegaano aad ugu dhow degmada Ceelbarde islaamrkaana ay la galeen xoogaga xarakada Alshabaab.

Waxa uu intaasi ku daray sarkaalkan oo lagu magacabo Cabd Saqad Duwane in dagaalkani uu ahaa mid ay qorsheysay dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyagoona intaasi raaciyay in dagaalka uu 3wajaho ka dhacay ayna khasaare u geysteen dhinaca ay ladagaalameen.

Waxa uu dhankiisa diiray in khasaare uu soo gaaray Ciidamada DKMG ah ee dagaalka galay, balse waxaan jirin warar xaqiijin kara oo ka madax banaan sheegashada sarkaalkan maadaama dhulka lagu dagaalamay ay ku liidato isgaarsiinta.

Sikastaba ha ahaatee Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa laga soo sheegayay deegaano ka tirsan gobolkaasi Bakool xiisado colaadeed iyo isku abaabul dagaal oo ay halkaasi ka wadaan xoogaga xarakada Alshabaab iyo Ciidamada DKMG ah ee Halkaasi ku sugan.

C/qaadir Maxamed Cabdulle
SBC International Muqdisho.

Daalacatey :244

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print