Hay,ada WFP oo sheegtay in ay Baladweyne ka furaneyso Xafiiska ugu weyn Howlgalkeeda Gobalada dhexe

Ilaa 7 xubnood oo isugu jira saraakiil Somali iyo ajnabi kana socday Hay,ada WFP ayaa manta gaaray magaalada baladweyne ee xaruunta Gobalka Hiiraan .

Saraakiishan ka socotay barnaamijka Cunta adduunka  WFP ee manta soo gaaray magaalada baladweyne oo isla manta kulan kula qaatay Xaruunta WFP maamulka Gobalka iyo qeybaha bulshada waxaana ay balanqaaday in ay gobalka hiiraan ka bilaabi doonaan mashaaric isugu jirta dhinacyada gargaarka iyo hormarinta.

Madaxa WFP bartamaha Somaliya Yusa Misae oo ka mid ahaa xubnahii goobta ka hadlay ayaa sheegay in bisha soo socota WFP ay magaalada baladweyne ka bilaabi doonto mashaaric isugu jirta dhismaha Garoonka diyaaradaha iyo barnaamji  shaqo cunto ku badalasho oo magaalada baladweyne lagu hormarinaayo.

Mr.Yusea oo dhalashadiisu ay tahay dalka Japan ayaa sidoo kale sheegay in todobaadka soo socda uu Gobalka Hiiraan imaandoon Safiirka Japan ee Magalada Nairobi si uu qiimeyn ugu sameyo xaalada nolosha ee dadka Gobalka Hiiraan

Maamulka Gobalka Hiiraan oo kulanka kala qeybgalay Saraakiisha WFP iyo Hay,adaha Madaniga ee Magaalada Baladweyne ayaa goobtu waxaa uu ka sheegay in amniga magaalada uu suganyahay isla markaana laysku haleen karo nabadgalyada dgaanada ay gacanta ku hayaan maamulka

Waa markii sadaxaad oo masuuliyiinta ka socota laamaha QM ay yimaadaan Magaalada baladweyne Mudo 4 bilood gudahooda  islamarkaana balamo aan waxba ka fulin ay dadka magaalada u sameeyaan

Cabdi Caziiz Ibraahim Axmed (Ok)
SBC International Garoowe