Wararka laga helaaya Xarunta Gobolka Awdal Ee Magaalada Boorama, ayaa sheegaaya barqanimadii maanta in lagu toogtay Sargaal ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Militariga Ee Somaliland.

Tani waxay ka dambeysay markii nin askari ihi uu rasaas ku furay Saraakiil, oo magacyadoodu lagu kala sheegay G/Sare Xasan Caqli, Taliyaha Aagga Galbeed Ee Militariga Somaliland iyo Xidigle Faarax Caraale, oo Saraakiisha ka tirsanaa.

Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Gudoomiyaha Gobolka Awdal, ayaa xaqiijiyay in Taliyuhu uu weerarkaasi ku dhaawacmay, halka uu ku geeriyooday Xidigle Faarax Caraale.

Gudoomiyaha oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa sheegay in Taliyuhu uu si xun ugu dhaawacmay rasaastaasi, waxaana hadda lagu dabiibayaa Isbitaal Magaalada Boorama ku yaala, sida uu yiri.

Toogashadan oo ka dhacday Xerada Militariga Boorama, ayaa waxaa lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo askarii toogashada gaystay, sida uu xaqiijiyay Gudoomiye Ramaax.

Muddooyinkii ugu dambeysay, ayaa waxaa Somaliland ku soo badanaysay dilalka ay gaysanayan Ciidamada Qalabka Sida Ee Somaliland.

Hoos ka dhageyso wariyaha SBC Ee Boorama Oo Aan ka wareysanay: