Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Dawladda Puntland ayaa maanta siweyn looga oo gay munaasabada Ciidul Fidrig

Shacabka ku dhaqan Magaalada Boosaaso ayaa maanta isu gu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Boosaaso iyaga oo ay wa jiyadooda ay farxadi kamuuqato waxayna si diiran isgu Hambalyey nayeen Munaasabada Balaaran ee Cidul Fidriga .

Salaada  muunaasabada ciidul fidriga ayaa waxaa lagu oo gay Duleedka Danbe ee  garoonka kobda cagata  ee magaalada Boosaaso waxaana salaada ka sooqaybgalay masuuliyiin katirsan dawladda Puntlnd oo ugu horeeyo Gudoomiyaha golaha deegaanka magaalada Boosaaso ahna duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdlle Xasan Culima awdiin Cuqaal Nabadoono iyo Bulshada reer Boosaaso oo iyagu doo nayey in ay ogaan Salaada Ciidul fidriga .

Khudbadii Salaad ciidul fidriga kadib ayaa waxaa madashii salaada lagu oo ga yey ka hadlay Duqa degmada Boosaaso. Xasan Cabdlle Xasan oo ugu horayn shacbka reer Puntland ugu Hambalyey munaasabada Qaaliga ah ee ciidul fidriga Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalle ayaa waxa uu shacbaka reer Boosaaso u jeediyay hadalo Qiimo badan wuxuuna sheegay in shacabka looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan maamulka Kana qayb qaataan horumarka dhanka amaanka iyo walib arimaha bulshada

Sidoo kale waxaa madasha ka hadalay af hayeenka isimada Puntland Garaad C/dullahi Cali Ciid wuxuuna shacbka muslimiinta ah ugu hambalyeyay munaasabada  ciidul fidriga gaar ahaan shacbaka reer Puntland wuxuuna dadka kula dar daarmay in dadku ay is cafiyaan adkeeyaan walaaltinimadooda

Shekh Yuusuf Heeryo oo kamida Culimada Somaliyeed ayaa isna ku dheeraaday Qiimaha munaasabada ciidul fidriga wuxuuna sheegay in ay tahay maalin muslimiinta ku weyn. .

Guud ahaan Wadamad Islmaaka ayaa waxaa maant laga oo gay munaasabda qaalliga ha ee ciidul fidriga magaalada bosasana waxa waxay kamid tahay meelaha sida weyn looga xusay munaasabadaasi .

DAAWO SAWIRKADA SIDA LOOGA CIIDAY BOOSAASO.

Cismaan Saalax Ismaaciil
SQ: Siciid C/laahi Jaamac