Dowladda Somaliya Ayaa sheegtay in Markab Ay U Dirtay Dalka Yemen Si Uu Usoo Daad Gureeyo Qaxootigga Somaliyeed Ee Ku Xaniban Dalka Yemen.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in dadka dib dalkooda loogu soo celinayo ay ku jiraan qaxooti u dhashay dalka Yemen,

kuwaasi oo ay sheegtay in xilligan bulshada looga baahanyahay inay gurmad u fidiyaan, maadaama kolkii hore ay soo dhaweeyn u sameeyeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Yemen u carartay.

Waxey Umahad Celisay Ganacsade Somaliyeed Oo Markab Ugu Deeqay Dowladda Somaliya Waxeyna Sheegtay in Ganacsadaha Cabdi Cali Faarax Uu Mudanyahay in lagu Daydo Oo Loo Gurmado Qaxootigga Ka Imaanaya Dalka Yemen.

Ugu Danbeyn Ayeey Ganacsatada Somaliyeed Ka Codsatay Iney Ka Qeybqaataan U Gurmadka Qaxootiga Somaliyeed ee ka Imaanaya Dalka Yeme, Kuwaas Oo Soo Gaaraya Dalka Somaliya.

Dalka Yemen Waxaa Mudooyinkii Ugu Danbeeyay Ka Imaanayay Qaxooti Soomaliyeed Kuwaas Oo Ay Saameeyeen Dagaaladda Ka Socda Dalkaasi, iyadoonna Ay Ka soo Dagayaan Dekeddaha Boosaso iyo Ber-berra.

SBC, News.