Tehran:-Safaaradda dalka Kuwait ee Iran ayaa xaqiijisay in safiirka dowladda Kuwait ee Jumhuuriyadda Islaamiga Iran uu dib ugu laabtay magaalada Tehran si uu u ambaqaado howlihiisa shaqo.

Wakaaladda wararka Jumhuuriyadda Islaamiga Iran ee IRNA oo soo xiganaysa safaaradda Kuwait ee Tehran ayaa sheegtay in Ambassador Majdi Axmed Ibraahim Al-dufeyri uu dib ugu noqday Tehran uuna amabqaadi doono shaqadiisa maaanta oo arbco ah .

Ambassador Dufeyri ayaa ahaa safiirka Kuwait u fadhiya dalka Iran tan iyo 2001, wuxuuna ka ambabaxay magaalada Tehran laba bilood ka hor.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran ninka lagu magcaabo Cali Akbar Saalixi ayaa booqasho ku tagay dalka Kuwait toddobaadkii la soo dhaafay halkkaasi oo uu kulan kula yeeshay guddoomiyaha golaha Umadda dalka Kuwait Jaasim Alqaraafi islamrkaana waxay isku afgarteen in si deg deg ah loo ambaqaado xiriirkii laba geesoodka ahaa ee u dhexeeyey labada dal.

Saalixi ayaa tilmaamay in Iran iyo Kuwait ay isku afgarteen in safiiradaooda dib u soo celiyaan si loo qaboojiyo qalalaasaha horseeday in xiriirka labada dal uu xumaado .

Mr saalixi ayaa ku gacan seeray cabsida dowladaha khaliijka ay ka qabaan dowladda Iran , wuxuuna sheegay in siyaasadda Iran ay tahay dalalka deriska ah xasilooni iyo degnaansho ay kula noolaato.

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli safiirka Iran ee dalka Kuwait ninka lagu magcaabo Ruuxullaah Qahramaani uu dib ugu noqday dalka Kuwait halkaasi oo uu howlihiisa shaqo dib uga ambaqaaday.

Xiriirka labada dal ayaa xumaaday kadib markii ay maxakmad Kuwaiti ah ay xukuntay labo muwaadiniin Iraaniyiin ah oo lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin shabakad wax u basaasta dowladda Iran.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring