Safiirka Dalka Yamen u fadhiya Soomaaliya Mansur Ali Rayash Al-imrani oo Uu  weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Saalax  ayaa booqday Xerada ay dagan yihiin dadka kaso qaxay dalka Yaman ee ku sugan Boosaso.

Ula Jeedka Booqashadda Safiirka ayaa Aheyd Ukuurgalka Xaaladda Dadka Ka soo barakacaya dagaaladda yemen ee jogga Boosaso iyo Nolasha ay ku  Noolyihiin,

Wuxuu Soo Ogaaday xaaladda Nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka kaso qaxay yamen, wuxuu si gaar ah ula kulmay Soomaalida iyo Yameniyhiinta ku sugan Xerada, isagoo indhihiisa ku arkay sida Dawlada iyo dadweynaha reer Puntland ay usoo dhoweeyen dadka kaso qaxay dalka Yaman.

Safiirka Dawlada Yaman u fadhiya Soomaaliya Mr. Mansur Ali Rayash Al-imrani iyo Wasiir Ku Xigenka Wasaarada Arimaha Gudaha dowladda Puntland Oo Saxaafadda La Hadlay Ayaa Sheegay In Ay Xaaladda Dadkani Tahay Mid Islaqabasho Ku haboon, Wuxuunna Safiirku Si Gaar Ah Ugu mahad Celiyay Dowladda Puntland,

Maalmaha iyo Bilaha Soo Aadan Ayeey Shacabka iyo Dowladda Puntland Diyaar Uyihiin Soo Dhaweynta Qaxooti kale Oo Kamid Ah Kuwa Ka soo cararaya dalka Yemen, Sida Ay Sheegeen Gudigga.

Daawo Sawiradda:

IMG_0708Sahro Maxamed cali Samarar IMG_0710 IMG_0711 IMG_0716 IMG_0719 IMG_0722 IMG_0733 IMG_0738 IMG_0743 IMG_0749 IMG_07141 IMG_07321 IMG_07372