Uqaabilsanaha Dowlada Soomaaliu qaabilsan dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa uga waramay Xafiiska SBC International ee Magaalada Nairobi Safaro ay kaga soo laabteen isaga iyo wafdi uu hogaaminayay Xeryaha qaxootiga ee dalkaasi Kenya oo ay ku jiraan Dad Soomaali ah oo Macluul aad u xun ku heysato.

Safiir Ameriko ayaa sheegay goobaha ugu badan ee ay booqashada ku soo mareen ay ka mid yihiin Dhahaab, Iffo iyo Xagardheer, waxaana uu intaasi ku daray in safaradaasi booqasho ay ujeedadeeda aheyd sidii ay wax uga soo ogaan lahaayeen xaalada dadka halkaasi ku jira ee Soomaaliyeed.

“Waxaan halkaasi kula kulmay dad dhibaateysan, oo marka aan wareystay ii sheegayay dhibaatooyn farabadan oo ay la soo kulmeen intii ay san soo gaarin xeryahan” waxaa uu intaasi ku daray Mr Ameeriko in dadkaasi ay u sheegeen sidoo kale dhacdooyin naxdin leh oo ay ka mid ahaayeen Haween iyagu lagu soo fara xumeeyay intii ay wadada ku soo jireen.

“Dadkii ii warramay waxaa ka mid aheyd Islaan Da’deeda ku sheegtay 75sano jir, waxayna wadatay 5 Gabdhood oo ay ayeeyo u Aheyd, waxayna sheegtay in dhamaantood loo geystay waxyaabo Anshax xumi ah”

Waxa uu ku tilmaamay arimahaasi in ay yihiin kuwo aad u foolxun oo aad u naxdin badan, Dhageyso Wareysi dheer oo aan la yeelanay Safiirka,

Xaaladaha dadka ay Saameeyeen Abaaraha ka jira dalka ayaa ah kuwo sii kordhaya waxaana dadka ay saameynta ku yelatay ay ku sii qulqulayaan goobaha xeryaha Qaxooti iyo weliba magaalooyinka waaweyn ee dalka iyagoona halkaasi ay ku heystaan xaalado Macluul aad u daran.

Suleeqo Maxamuud Qabowsade
SBC International Nairobi.