Safiirka somaliya ee china u fadhiya yusuf Hassan Ibraaahim Yuusuf Dheeg oo waraysi qaas ah ay la yeelataya warbaahinta SBC international ayaa kaga war bixiyey arimo badan.

Yuusuf Dheeg ayaa ugu horayn nooga warbixiyay kulan uu la qatay madaxwaynaha wadankani china hu jentao iyo wasiirka arimaha dibada china, kaasi oo uu sheegay in uu ku aadanaa xiriirka Soomaalia iyo China gaar ahaan sii xoojin dhinac walba ah.

Dalkani china ayaa balan qaad wayn u fidiyey dowlada Somaliya balanqaadkaasi oo ku Aadan in uu dib u dhis ku samaynayo Somaliya hadi ay cagahayda isku taaagto .

Bisha july ee nagu soo Aadan ayaa waxaa caasimada shiinaha lagu qabanayaa kulan sanadeedka wasiirada arimaha dibada qaarada Africa , waxayna kulankaasi door muhiimm ah ka qaadaneysaa Soomaaliya, sida  uu noo shegay safiirka somaliya ee China u fadhiya..

Yuusuf Dheeg ayaa haatan ay tahay markii labaad oo uu xilkani qabto safaarada somaliya china , waxaana uu shaqadani yahay 17sano xiligii dowladii dhaxe ee Soomaliya Allah u naxariistee madaxwayne Mohamed Siyaad Barre..

Dalwaynaha shinaha ayaa lagu xasuusan karaa wax yaalihii ee ay u qabatay Somaliya kaasi oo ahaa dhismihii garoonka stadum muqdisho oo ilaa iyo haatan aan burburin.

Hadaba Dhageyso Warbixintan
HALKAN ka DHAGEYSO

C/qaadir Siciid Cali Gaanni
SBC International Wuhan China