Safiirka DKMG ee Soomaaiya ugu Magacaaban Dalka Liibiya C/qani Maxamed Wacays ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta SBC Waxaa uu kaga hadlay Xaalada Tahriibayaasha Soomaalida ee ku qulqulaya wadanka Liibiya waxaa uu sheegay Safiirku in xilligan Shacabka iyo Dowlada Libiya ay ka soo horjeesteen In dalkooda ay maraan Tahriibayaasha Soomaalida.
Safiir C/qani Wacays waxaa uu sheegay in Tahriibayaal Soomaali ah in siyaabo kala duwan loogu xiray Gudaha liibiya kuwaasi oo dalka liibiya u yimid inay uga sii socdaalaan dhinaca Badda ee wadanka talyanaiga.
Wareysiga uu safiirka DKMG ee Dalka Liibiya Siiyay warbaahinta SBC waxaa uu ku sheegay in Xilligan Dalka Liibiya Maraxalada uu galay ay khatar gelineyso Nolosha Dadka Soomaalida ah isaga oo uga digay Dadka tahriib doonka ah inaysan Naftooda Khatar ku gelin Xuduudaha wadankaasi oo uu sheegay in lagu dhibaateyo Dadka Soomaalida ee Tahriibka u socda.
Mar Safiir C/qani Maxamed Wacays wax laga weydiyay in safaarad ahaan ay Xaalada Dadka la xirxiray Xiriir la sameeyen ayna kala hadlayaan Dowlada Liibiya waxaa uu sheegay dowlada Liibiya ay diiday siiideynta dadkaas oo ay ku tilmaantay inay sumcad dalka Liibiya wax u dhimayaan.
Dhinaca kale Safiirka ayaa sheegay in Qulqulka Dadka Soomaalida ee tagay Dalkaasi liibiya uu weli badan yahay hase ahaatee waxaa uu sheegay in la adkeeyay Xuduudaha laga baxo ee dhinaca Badda taasi oo yareysay Dadka ka talaaba Dhinaca Badda.
Ugu danbeyn Safiirka ayaa ugu baaqay dhamaan Dhalinyarada Soomaaliyeed ee doonaya inay ka tahriibaan dalkaasi liibiya in khatarta halkaas ka jirta ay sii korortay gaar ahaan Gobolada lagaa soo taalabo oo uu sheegay in ay ka dhacaan Dagaalo iyo Dhibaaatooyin kale oo loo geysanto dadka Tahriib doonka ah.
DHAGEYSO WAREYSIGA SAFIIR C/QANI MAXAMED WACAYS
SBC International Monitoring
Daalacatey :544