Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dowladda Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta kaga gudoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Kenya u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Amb. Maj. Gen. (Rtd.) Lucas Kyonze Tumbo .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga iyo Safiirka cusub oo shir jaraa’id wada qabtay ayaa waxa ay xuseen horumarka uu gaaray xiriirka taariikhiga ah iyo midka derisnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya .
Waxaa xusid mudan in Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu si rasmi ah u bilowday December 11, 1963 .

Soomaaliya ayaa waxaa kala dhaxeeya Kenya xiriir dhinacyo badan leh oo ku qotama iskaashi wadaag ah .

Dowladda Kenya ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo hab wadaag ah kula shaqeeya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya (XDS).

Daawo sawirada:

DSC08266 DSC08286 DSC08287 DSC08288 DSC08297 DSC08302 DSC08303 DSC08305