Ra’isalwasaaraha dawlada KMG Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin ka dawlad ahaan falkii xasuuqa ahaa ee maanta ka dhacay xerada badbaado ee ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah kuwaasi oo ay laayeen ciidamo ka tirsan dawlada KMG oo doonayey inay dhac u geystaan raashin loogu tala galay dadkaasi.

Cabdiwali Gaas oo galabta booqdey xerada Badbaado ee ay maanta ka dhacdey mashaqada  ayaa sheegay inaanay dawladiisu raali ka aheyn in fal caynkaasi ah uu ka dhaco xeradaasi ama mid kale waxaana uu sheegay in ciqaabta ugu adag lala tiigsan doono sida hadalka uu u dhigay Ra’isalwasaaruhu “Wuxuushtii ka dambeysay falkaasi”, isagoo xusey in haatan ay dawladu gacan ku soo dhigtey badi raashinkii laga dhacay xeradaasi.

Link Audio hoose ka dhageyso hadalka Rai’isalwasaaraha ee ku aadan dhacdadan, isagoo ka hadlaya arimahan iyo arimo kale.

Halkan ka dhageyso

DAAWO SAWIRADA

Axmed Aar
SBC Muqdisho