Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa maanta oo talaado ah wuxuu ku wajahan yahay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.

Wararka ayaa sheegaya in safarka Ra’iisul Wasaaraha uu la xiriiro arimo ku aadan cabashada ka taagan dhismaha Baarlamaanka Maamulka KMG ee Jubba oo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka keeneen mooshin.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda ayaa lagu wadaa in Magaalada Kismaayo uu kula soo kulmo Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba, wuxuuna kala hadli doonaa sidii loo xalin lahaa tabashada ka taagan Baarlamaanka Maamulkaasi.

Qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa  ka socota Magaalada Kismaayo oo amniga si weyn loo adkeeyay, sida ay soo sheegayaan wariyeyaasha ku sugan Magaaladaasi.

Lama oga xalka waxa uu noqon doono iyo Ra’iisul Wasaare Sharmaake wuxuu kala soo kulmi doono madaxda Maamulka Jubba.

SBC, News.