Ra’iisul wasaare ku Xigeenkii Ciraaq Xilligii Sadaam Huseen Ayaa Geeriyooday,

Ra’iisul wasaare ku Xigeenkii Ciraaq Dowladii Sadam Xuseen Mr Tariq Caziz ayaa ku geeriyooday Xabsi Ku yaala Ciraaq Sida ay sheegeen Saraakiisha Dowlada Ciraaq.

Tariq Caziz oo ku jiray Da’ada 79 sanno ayaa Maxkamada Sare ee Dalkaas waxay 2010-kii ku xukuntay Dil inkasta oo aan Dilkaas lagu fulin hadana ilaa Xilligaas waxaa uu ku jiray Xabsiga.

Tariq Caziz waxaa la sheegaya inuu U dhintay Wadno Xanuun iyadoo sidoo kalena la sheegay in muddo ahba uu Ugu xanuunsanayay Xabsiga, Xanuuno ay ka mid Yihiin Wadne Xanun, Neefsashada, Dhiikar iyo Xanuuno kale.

Dhowr Jeer oo Hore ayay Qoyskiisu Codsadeen in Xabsiga Laga siidaayo, Balse Uma Suura Galin Oo Maanta Oo Jimca Ah Ayuu geeriyooday.

SBC, News.