Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in uu u mahacelinayo ciidamada amniga oo shalay gacanta ku dhigay madaxii Amniyaadka Al Shabaab ee Gobolka Banadir.

Dawladda ayaa shaacisay howlgal laga sameeyey qeybo kamid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha in lagu soo qabtay Madaxii Amniyaadka Kooxda Alshabaab ee gobolka Banaadir C/wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) , waxana howgalkan uu dhacay shalay oo Isniin aheyd.

“Waxaan u mahad celinayaa Ciidamada Amniga oo gacanta ku soo dhigey madaxii Amniyaadka Al Shabaab ee Gobolka Banadir”, sidaasi waxaa yiri Mudane Khayre.

Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan isla markaana uu yahay guul ay soo hooyeen ciidanka Xasilinta Caasimadda.

“Si aan u sii xoojinayo amniga ciidanku waxay sameyn doonaan wax walba oo suuragal ah. Waxaa la xiray qaar kamid ah jidadka xaafadaha dhex-dooda mara oo horey u furnaa ujeedka loo xirayna waa in lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed. Maalin walba qaraxyada iyo dhibabka ay geystaan argagixisadu waxaan ku weynaa nafta dadkeena qiimaha badan, si taas looga baaqsado waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo amniga caasimadda lalana shaqeeya ciidamadda howlgalka ku jira”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

WARBIXIN :

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ninkaan ciidamada Ammaanka ay ka qabteen Suuqa wayn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, Maxamed Abuukar Islow ayaa tilmaamay ciidamada Ammaanka inay haayaan shaqo fiican oo maalin kasta ay sidaan u dabajoogaan Ragga ku Harsan caasimadda Soomaaliya.